4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Imtixaankii dowladda oo maanta dib uga bilaabanaya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

 

Isniin, May, 27, 2019 (HOL) –Waxaa lagu wadaa in uu maanta uu dib uga furmo guud ahaan marka marka la eego Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya Imtixaankii dowladda [Shahaadiga] ee Ardeyda ka baxday Dugsiyada sare.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdulaahi Goodax Barre ayaa bogga uu Internetka ku shaaciyay in Imtaxaanku uu Isniinta billlaaban doono.

In kabadan 30,000 oo arday ayaa lagu wadaa in ay u fariistaan imtixaanka kama dambaysta ah ee fasalka afraad.

Laakiin dhnaca kale marka la eego Imtixaankan ma’aha mid dalka oo ka dhan ka dhacaya, waxaana horayba u qadaacay oo diiday dowlad gobolleedka Puntland, sidoo kale Imtixaankan ayaa ka jirin doonin deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Doodo badan ayaa ka dhashay imtixaanka la baajiyay, dawladduna waxaa ay sheegtay in la xiray oo baaritaan lagu hayo qof la shaqaynayay wasaaradda waxbarashada oo loo shakiyay in uu yahay qofka dibada u soo saaray kana iibiyay Ardeyda maadooyinkii lagu galayay Imtixaanka ee sababay in dib loo dhigo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]