4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Puntland: Maalgashadayaasha iyo caalamka oo loogu baaqay inay ka soo qeybgalaan shirka maalgashiga Puntland

Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dalalka daneeya maalgashiga Soomaaliya iyo shirkadaha maalgashiga ee caalamiga ah ugu baaqay inay ka soo qeybgalaan shir dhowaan furmaya.

Shirka ayuu sheegay in lagu soo bandhigi doono fursadaha  maalgashiga Puntland oo uu marka sheegay inay cid walba oo doonaysa maalgalin inay ku sameyso Puntland lagu soo dhaweyn doono.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan sheegay ka hor inta uusan shalay u safrin dalka Shiinaha oo uu sheegay halkaa inuu u tagayo sidii arrimo maalgashi iyo ganacsi uu ugala soo hadli lahaa gobolka ka tirsan dalkaas.

"Waxaanu Sidoo kale jecelnahay inaan ugu yeedhno iyaga iyo waddamadii hore aan u tagnayba shirka maalgashiga ee Puntland ka dhicidoona oo aan rabno khayraadka dihin ee dalkani leeyahay inay maalgashtaan, sida kalluumaysiga, macdanta, beeyada iyo waxyaabaha la xiriira wax soo-saarkeena".
ayuu yiri madaxweyne Siciid Deni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]