4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Koonfur Afrika

Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Koonfur Afrika.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa intii uu ku sugnaa Koonfur Afrika  wuxuu ka qeyb galay caleemasaarka madaxweynaha Koonfur Afrika ,Cyril Ramaphosa, isagoona kulamo la qaatay xalay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Mar uu la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, wuxuu  uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.

Dhankooda xubno matalayay jaaliyadda ayaa madaxweyne Farmaajo ka codsaday in madaxda dalkaasi uu kala hadlo dhibaatooyinka mar walba ay u geystaan madaxda dalkaasi Soomaalida ganacsi ahaan u jooga.

Hoos ka eeg sawirrada kulanka madaxweynaha iyo jaaliyadda;



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]