4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Wasaaradda amniga Jubbaland: Miinada la fashiliyay iyo guriga Cabdirashiid Xiddig 4.5 km ayay isku jiraan

Isniin, May, 27, 2019 (HOL)–  Wasaaradda amniga ee dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa ku eedeysay xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha ee Jubbaland inuu u gafay ciidanka amniga oo ololihiisa uu u adeegsaday miino dhowaan la fashiliyay oo laga helay goob ka fog dhismaha uu musharraxa ka degganyahay Kismaayo.

"25 bishan  May, waxay ciidanka amniga Jubbaland oo kaashanaya shacabka ay ku guuleysteen miino lagu aasay goob ka mid ah xaafadda Farjano waaxda Dalxiiska, waxaana wali socda baaritaanka arrinta oo ay waddaan hay'adaha amniga ee Jubbalan." ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland oo inta ku daray " Waxaa nasiib darro ah in shaqsi sheegayana musharrax madaxweyne Cabdirashiid Maxamed  Xiddig ahna xildhibaan qaran inuu si ulakac ah ugu gafo ciidanka dowlad-gobolleedka Jubbaland isagoo ka dhiganaya ololihiisa doorasho."

"Waxaa xusid mudan in goobta qaraxa laga helay oo ku taalla xaafadda Farjano ee waaxda Dalxiiska iyo hoyga xildhibaan Xiddig oo ku yaalla xaafadda Faanoole waaxda Mariina ay isu jiraan masaafo aad u kala fog taa oo dhan 4.5km, kana dhigan in hadalkiisu yahay waxba kama jiraan uuna u bareeray aflagaadadda iyo wax ka sheegidda ciidanka ammaanka Jubbaland uuna doonayo inuu ku qalqalgaliyo xasilloonida iyo amniga ka jira Jubbaland, taas oo aan cidna looga dulqaadan doonin". ayuu ku daray warsaxaafadeedka oo Axaddii shalay uu warbaahinta u akhriyay taliyaha qeybta Jubbada hoose, Maxamed Naasir Guuleed.

Wasaaradda amniga ayaa ugu baaqday shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan hay'adaha ammaanka si loo xoojinayo nabadgalyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]