4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Sabriye: Waan la fadhisaneynaa cid walba oo cabasho ka qabta habraaca aan soo saarnay ee loo marayo doorashooyinka Dowlad-gobolleedyada

Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya,Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay inay la fadhisan doonaan cid walba oo cabasho ka qabta habraaca loo marayo doorashooyinka dowlad-gobolleedyada ee ay soo bandhigeen.

Wuxuu sheegay inaysan ku jirin qodobbada habraaca mid cusub oo horeyba loogu dhaqmi jiray, balse waxay ay usoo bandhigeen ay tahay sidii bulshada loola wadaagi lahaa.

"Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go’aansanay in aan soo dhigno shacabka hortiisa nidaamkii awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub." ayuu u sheegay VOA-da wasiir Sabriye.

Wuxuu caddeeyay in wasaaraddiisa ay leedahay mas’uuliyadda guud ee ku saabsan dimoqraadiyeynta iyo Federaaleynta dalka, isagoo marka ka hadlayay cabashada iyo diidmada ka timid maamul-goboleedyada.

"Wasaaradda arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimoquraadiyentiisa iyo Fedraaleyntiisa mas’uuliyadooda guud, iyadaa iska leh. Wasaaradu kaalinbeey leedahay Dowlad goboleedkuna kaalinbeey leedahay mana ku fara galin doono kaalintooda, Waxaana diyaar u nahay in aan kala fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad-gobolleedyada." ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Dowlad-gobolleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa ka hor-yimid habraaca doorashooyinka oo habeen hore soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,iyadoo habraaca lagu soo aadiyay waqti xasaasi ay oo ay doorasho galayaan dowlad-gobolleedyada qaar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]