4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Doon dagtay oo 30 qof ay ku dhinteen 200 oo kalana lagu la'yahay

Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Ugu yaraan soddon ruux ayaa geeriyootay 200 oo kalana waa lagu la’ yahay dooni ku dagtay harradda lagu magacaabo May Nadombe oo ku dhow tuullada Lokanga ee ku taalla galbeedka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kaddib markii ay cimiladu xumaatay.

Duqa magaalada Inongo oo lagu magacaabo Simon Mabo Wemba ayaa u sheegay warbaahinta inay soo saareen maydadka 30 qof oo kala ahaa 12 haween, 11 carruur iyo 7 rag ah.

Wemba, ayaa inta ku daray in la soo badbaadiyey 170 qof, mana kala cadda tirada guud ee rakaabkii la socday Doonidaasi, inkastoo ay saraakiisha ku qiyaaseen ku dhowaad siddeed boqol oo ruux. Rakaabka badankii waxaa loo malaynayaa in ay yihiin macalliimiin mushaarkoodii doonanayay.

Dalka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo  waxaa ka dhacayay shilal dhowr ah oo la xiriira doonyo ku dagga harrooyinka,iyadoo bishii la soo dhaafay ee April  ugu yaraan 167 qof ay ku geeriyootay labo shil dooni oo ka dhacay dalkaasi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]