4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Madaxweyne Biixi oo maanta cafiyey 14 askari oo lagu soo qabtay dagaalkii Tuko raq ee dhexmaray Somaliland iyo Puntland

Isniin, May 27,   2019  (HOL)- Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sheegay inuu cafiyey 14 askari oo lagu soo qabtay dagaaladii ka dhacay deegaanka Tuko raq ee dhexmaray Somaliland iyo Puntland, taas oo uu maalintii 18 May ku dhowaaqay inuu sii daynayo maxaabiistii dagaalka ee uu ka hayey maamulkaasi.

Sidaasna waxa sheegay afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame, waxaanu dagaaladda ka dhexmaray Somaliland iyo Puntland ku eedeeyey inay wadaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Madaxweynuhu waxa uu  maanta wareegto ku saamaxay 14 maxbuus oo lagu soo qabtay dagaaladii ka dhacay Tuko raq, markuu tixgaliyey nabadgalyadda guud ee gobolka Geeska Afrika, iyo bisha barakaysan ee Ramadaan, markuu la tashaday ciday khuseyso wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda maanta oo ah bisha May 27,2019 uu saamaxaad u fidiyo maxaabiista dagaal ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ee Ciidamada Somaliland ku soo qabteen dagaalkii Tuko raq, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 14 maxbuus ”ayuu yidhi afhayeenka  madaxweyne Biixi.

Afhayeenku waxa uu intaas ku daray “ Somaliland waxay u aragta shaqaaqooyinka maamulka puntland  ka wado Somaliland  inuu hurinayo maamulka Farmaajo, waxaanu ognahay dabka  ka holcaya Kismaayo, Galmudug, HIrshabeele, Puntland iyo Muqdisho inuu yahay colaad iyo cadaawad uu dabada ka riixayo maamulka Farmajo ,sidaas darteedna Somaliland waxay xad la leedahay maamul goboleedka Soomaaliya ee PUNTLAND, hadii aanu nahay Somaliland waxaanu diyaar u nahay wixii khilaaf ka dhaca xadka in lagu xaliyo nabad iyo is fagarad wanaagsan.”.

 

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.