3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib u ugu soo laabtay kaddib caleema-saarkii Madaxweynaha Koonfur Afrika

Isniin, May 27, 2019 (HOL)-  Madaxweyanaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa.

Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoona la wadaagay horumarka ay ku tallaabsanayso dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adkeeyaan midnimadooda meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boggaadiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin isu soo dhawaanshada labada dal.

"Jaaliyadda dalkaan, waxaad ku tilmaaman tihiin dadaalkiina iyo saameynta dhaw ee aad ku leedihiin nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaan idinku boorrinayaa in aad ilaashataan midnimadiinna iyo sumcadda Soomaalinimo ee aad xambaarsan tihiin."

Dhankooda, xubnaha Jaaliyaddeena ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha xaaladdooda nololeed, fursadaha shaqo ee ay ka heleen dalkaas iyo caqabadaha ku xeeran, iyagoona uga mahadceliyay hoggaanka dalka dadaalka ay ku bixinayaan dib u dhiska iyo sare u qaadista magaceena qarnnimo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/27/2019 3:42 PM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL)– Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa beenisay wararka la xiriira in loo diidday dal ku galka Kenya oo ay marka adeegsatay baasaboor kale oo Talyaani ah.

5/27/2019 3:16 PM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL)– Wasaaradda amniga ee dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa ku eedeysay xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha ee Jubbaland inuu u gafay ciidanka amniga oo ololihiisa uu u adeegsaday miino dhowaan la fashiliyay oo laga helay goob ka fog dhismaha uu musharraxa ka degganyahay Kismaayo.

5/27/2019 2:40 PM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL)– Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Dr Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaa oo ay uga qeybgashay shirka golaha guud ee Caafimaadka oo ay qabanqaabiso hay’adda adduunka u qaabilsan caafimaadka ee WHO.

5/27/2019 1:35 PM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL)– Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle ayaa lagu magacaabay in ay noqoto Duqa degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale.

5/27/2019 1:10 PM EST
Isniin, May 27, 2019 (HOL)- Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa ku eedeyay hay'adaha ammaanka ee Jubbaland inay ka been sheegeen xogta qaraxii dhowaan la fashiliyay ee laga helay meel ku dhow guriga uu ka degganyahay magaalada Kismaayo.

5/27/2019 12:45 PM EST
Isniin, May 27, 2019 (HOL)- Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax gaari oo xilliga afurka ka dhacay xeebta Liido ee caasimadda Muqdisho.

5/27/2019 12:35 PM EST
Isniin, May 27, 2019 (HOL)- Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodaax Barre ayaa maanta kormeer ku tagay inta badan goobaha uu ka dhacayo imtixaan shahaadiga ah ee dugsiga sare ee maanta ka biloowday dalka.

5/27/2019 12:20 PM EST
Isniin, May 27, 2019 (HOL)- Dhawaqa qarax ayaa laga maqlay goor dhow xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

5/27/2019 10:48 AM EST
Isniin, May 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sheegay inuu cafiyey 14 askari oo lagu soo qabtay dagaaladii ka dhacay deegaanka Tuko raq ee dhexmaray Somaliland iyo Puntland, taas oo uu maalintii 18 May ku dhowaaqay inuu sii daynayo maxaabiistii dagaalka ee uu ka hayey maamulkaasi.

5/27/2019 7:26 AM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay joojin karaan internetka guud ahaan Soomaaliya saacad kasta haddii loo baahdo.

5/27/2019 4:21 AM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dalalka daneeya maalgashiga Soomaaliya iyo shirkadaha maalgashiga ee caalamiga ah ugu baaqay inay ka soo qeybgalaan shir dhowaan furmaya.

5/27/2019 4:10 AM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Koonfur Afrika.

5/27/2019 3:51 AM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya,Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay inay la fadhisan doonaan cid walba oo cabasho ka qabta habraaca loo marayo doorashooyinka dowlad-gobolleedyada ee ay soo bandhigeen.

5/27/2019 3:41 AM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha dhowaan la magacaabay ee gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay inuu u horseedayo gobolka Mudug isbeddel horumar deegaan iyo bulsho, isagoo marka wada-shaqeyn ka dalbaday shacabka gobolka.

5/27/2019 3:26 AM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Ugu yaraan soddon ruux ayaa geeriyootay 200 oo kalana waa lagu la’ yahay dooni ku dagtay harradda lagu magacaabo May Nadombe oo ku dhow tuullada Lokanga ee ku taalla galbeedka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kaddib markii ay cimiladu xumaatay.

5/27/2019 1:49 AM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL) –Waxaa lagu wadaa in uu maanta uu dib uga furmo guud ahaan marka marka la eego Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya Imtixaankii dowladda [Shahaadiga] ee Ardeyda ka baxday Dugsiyada sare.

5/27/2019 1:37 AM EST
Isniin, May, 27, 2019 (HOL) - Maajid Maajid oo ah Soomaali marna soo noqday Duqa Magalada Sheffield ee dalka Britain ayaa loo doortay in uu ka mid noqdo Xubnaha Baarlamaanka Midowga Yurub taas oo ay soo dhaweeyeen dad isugu jira Soomaali iyo Ajnabi.