4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2017
Cabdiqani Ismaaciil oo ku guuleystay Orodka dheer oo lagu qabtay dalka Jarmalka

Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Cabdiqani Ismaaciil Aadan oo ah Wiil Soomaaliyeed oo degan dalka Jarmalka ayaa Kaalinta Koobaad ka galay Tartanka Orodka  dheer ee loo yaqaano (Half Marathon),  oo lagu Qabtay magaalada Würzburg ee gobolka Bayern, Iyadoo Tartankan oo Sanadle ah  uu qabsoomay  maalintii Axada ee aynu soo dhaafnay.

Tartanka  uu kaalinta Koobaad ku galay Cabdiqani oo ahaa mid Xiiso badan,   ayaa waxaa ka qayb Galay dad aad u Tiro badan,   Iyadoo  la Ordayey   21 kiiloo mitir,  Wuxuuna Cabdiqani Horey ugu Guulaystay oo kaalinta Koobaad ka galay Orodka 10-ka Kiiloo Mitir.

Wargeysyada iyo Warbaahinta kala duwan ee dalkaasi kasoo baxa ayaa siwayn uga Faalooday Guusha Dhinaca Orodka ah ee Cabdiqani Ismaaciil, iyadoo hada la sheegay inuu Rajo badan Ku leeyahay Orodka.

Cabdiqani oo aan Khadka Taleefanka kula xidhiidhay ayaan ugu horayn waydiiyey Inuu Sharaxaad ka bixiyo Tartanka uu ka qayb galay ayaa sheegay inuu yahay Tartan Sanadkiiba la qabto Hal mar, islamarkaana ay tahay markii 21-aad ee dalkaasi lagu qabto, Wuxuuna Xusay  inuu Hada  Ogaaday Awooda uu u leeyahay Orodka, Islamarkaana uu Dedaalka Halkaasi kasii wadi doono, Hadii alle idmo. 

Bulshada Soomaaliyeed ee Burburkii dalka kadib  u hayaantay Daafaha Caalamka ayaa Door la Muuqan kara waxay ku dhexleeyihiin dhamaan dadalka magangelyada Siiyey ama ay Sharciyada ka haystaan.

Axmed Cabdiqaadir Ismaaciil ( Ahmed Darwiish )
Email: [email protected]