Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha
dalka Maraykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga bariga dhaxe ayaa kulan gaar
ah la qaatay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, waxaa ayna ka wada
hadleen arimo dhoor ah ay ka mid yihiin wadahadalada Falastiin iyo Israa'il.
Kulanka labada madaxweyne ay yeesheen ayaa xoogiisa looga hadlay sidii dib
loogu bilaabi lahaa wadahadaladii nabada bariga dhaxe ee u dhaxeeyay dowlada Falastiin
iyo maamulka Israa'il ee xooga ku heesta qeybo badan oo kamid ah dhulka
Falastiin.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu xooga saari doono sidii dib loogu
bilaabi lahaa wadahadalada nabada ee Falastiin iyo Isra'iil, waxaana uu balan
qaaday in uu ka shaqeyn doono nabada bariga
dhaxe.
Donald Trump oo booqasho ku jooga bariga dhaxe ayaa sidoo kale la kulmay ra'isul
wasaaraha Yahuuda Isra'iil, waxaa ayna ka wada hadleen arimo badan oo ku aadan
colaada Falastiin iyo cabsida Yahuuda ay ka qabto Iiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]