4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2017
Koox burcad baddeed ah oo Doon ka qafaalatay xeebaha Puntland

 Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Koox burcad baddeed Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in goor dhaw Doon ka qafaasheen xeebaha Puntland, gaar ahaan deegaanka Caluula oo ka tiran gobolka Gardafuu.

Warka ku saabsan Doonta la qafaashay waxaa wariyaheena Feysal Boston u xaqiijiyay nabadoon Aadan Saciid Xeyley oo ka mid ah cuqaasha ama odayaasha deegaanka laga qafaashay Doontan, lamana garanayo halka kooxaha burcad badeeda ah la tageen.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qof uu ku dhintay iska horimaad dhaxmaray kooxaha burcad baddeeda ah iyo shaqaallihii la socday Doonta.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ilaa iyo hadda laamaha amniga maamul gobolleedka Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]