4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2017
Madaxweynihii hore ee Gambia oo lagu eedeynayo in uu xaday $ 50 Milyan oo doolar

 Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynihii ee dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ka xaday qasnada dowladda lacag dhan $ 50 Milyan oo doolar.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa waxa ay sheegayaan Yaxya Jama lacagtaasi inteeda badan uu kala baxay Shirkada isgaarsiin ah oo dowladda ay leedahay.

Maxkamada ayaa amartay in la fariisiyo hantida Jammeh ee wali Gambia taalla, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas.

Jammeh ayaa doorashada dalkaas looga adkaaday bishii December ee sanadkii hore kadib 22 sano oo uu xukunka hayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]