4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2017
PUNTLAND: Kooxda Daacish oo Sheegatay mas'uuliyad-da Qaraxii caawa ka dhacay magaalada Bosaso


Talaado, May, 23, 2017 (HOL) -Qarax aad u xoogan badan ayaa la maqlay wax yar ka dib markii laga soo baxay salaad-dii Maqribka ,waxaana la sheegay in qaraxan uu fuliyay ruux naftiisa hura ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay in ay gaarayso 5 qof oo uu ku jiro ninkii is-qarxiyay ,waxaana sidoo kale tirada dhimashada ku jira 3 qof oo shacab ah ah oo marayay goobta sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee degmada.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u dhaxeysa shirkadaha Towfiiq iyo Al-Hudda Phone oo ku yaala bartamaha magaalada Bosaaso gaar ahaan agaagarka isgoyska GAACA.

Ka hor inta uusan qaraxa dhicin,waxaa goobta ku sugnaa askar ka tirsan kuwa amaanka oo baarayay gaadiidka iyo dadka isticmaala jidkan oo ah mid aad u mashquul badan , isla markaana ay aad u adeegsadaan gaadiidka iyo  dadweyanaha-ba.

Waxaa goobta soo gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Bosaaso oo horey ka bilaabay howl-galo xoogan ,waxaana gabi ahaanba la xiray isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee jidka uu qaraxa ka dhacay.

Dad-goob-joogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen maydadka dhowr qof oo daadsan goobta uu qaraxa ka dhacay oo hadda ay adag-tahay in gudaha loo galo ,waxaana ciidamada goobta ku sugan ay kor u ridayaan xabado dadka lagu kala cayrinayo.

Kooxda Daacish oo saldhigyo ku leh Puntland ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo ahaa mid aad u xoog badan ,waxaana war ka soo baxay wakaalad-da Acmaaq ee ku hadasha afka Daacish ay sheegtay in nin iyaga ka tirsan uu weerarkan la beegsaday ciidamada amaanka ee Puntland.

Ugu danbayn, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin karin ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay intaa ka badan-tahay ,waxaana weerarkan ka dib magaalada ka bilowday howl-galo xoogan oo amniga lagu sugayo.

Hiiraan Online News Desk