3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2017
Dhimashada qaraxyadii Manchester oo sii korartay

 Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Ugu yaraan 22 ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 59 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax weyn xalay ka dhacay goob uu ka socday bandhig faneed, oo ku taalla magaalada Manchester, ee dalka Ingiriiska.

Qaraxa ayaa dhacay wax yar kaddib markii ay dadka billaabeen inay kasoo baxaan xarunta Manchester Arena, xilligaas oo uu dhammaaday bandhigga ay sameyneysay fanaanada reer Mareykan ee Ariana Grande.

“Waxaan dhacdadan u tixgelineynay weerar argagixiso, waxaana rumeysanahay inuu fuliyey hal nin” waxaa sidaas yiri madaxa booliiska Manchester, Ian Hopkins.

Hopkins ayaa sheegay in baarayaasha ay rumeysan yihiin in qofka weerarka fuliyey uu xirnaa aalad qaraxda oo uu qarxiyey, islamakraana uu goobta ku naf waayey.

Booliiska ayaa hadda kala shaqeynaya saraakiisha sirdoonka iyo ka hortagga argagixisada inay helaan akhbaaraad dheeri ah oo ku saabsan qofka weerarka fuliyey, iyo hadii uu kaligiis ahaa ama ka tirsanaa shabkad.

Qaraxa ayaa ka dhacay banaanka xarunta Manchester Arena oo qaada 21,000 oo qof markii ay dhammaatay xafladda.

Xigasho VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/23/2017 6:35 PM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Cabdiqani Ismaaciil Aadan oo ah Wiil Soomaaliyeed oo degan dalka Jarmalka ayaa Kaalinta Koobaad ka galay Tartanka Orodka dheer ee loo yaqaano (Half Marathon), oo lagu Qabtay magaalada Würzburg ee gobolka Bayern, dalka Jarmalka

5/23/2017 3:02 PM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL)– Wareegto ka soo baxday wasaarrada arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya ayaa mar kaliya lagu magacaabay guddoomiyayaashii degmo ee ugu badnaa gobolka Banaadir.

5/23/2017 1:36 PM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Salmaan Abedi oo 22 sano jir ahaa ayuu ahaa qofkii geystay weerarka Manchester oo 22 qof ay ku dhinteen sida uu sheegay booliska.

5/23/2017 1:03 PM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) -Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa caawa xilalkii looga qaaday 14 guddoomiye degmo, waxaana la magacaabay guddoomiyaal cusub.

5/23/2017 12:53 PM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) -Qarax aad u xoogan badan ayaa la maqlay wax yar ka dib markii laga soo baxay salaad-dii Maqribka ,waxaana la sheegay in qaraxan uu fuliyay ruux naftiisa hura ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

5/23/2017 12:42 PM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya xoogagga Al-shabaab weerar ay ku qaadeen deegaanka Number 50 ku qafaasheen 25 ruux oo rayid ah.

5/23/2017 10:18 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa oo ka qeybgallayay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi ayaa halkaa uga dhawaaqay gogol lagu dhisayo sida uu hadalka u dhigay maamul uu yeesho gobolka Banaadir.

5/23/2017 9:28 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynihii ee dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ka xaday qasnada dowladda lacag dhan $ 50 Milyan oo doolar.

5/23/2017 8:43 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Koox burcad baddeed Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in goor dhaw Doon ka qafaasheen xeebaha Puntland, gaar ahaan deegaanka Caluula oo ka tiran gobolka Gardafuu.

5/23/2017 8:32 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, isaga oo kulan la qaadan doona dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

5/23/2017 8:08 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga bariga dhaxe ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, waxaa ayna ka wada hadleen arimo dhoor ah ay ka mid yihiin wadahadalada Falastiin iyo Israa'il.

5/23/2017 6:56 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hawlgallo ballaaran oo Al-shabaab lagula dagaalamayo ka bilaabay deegaano hoostaga gobolka Bakool.

5/23/2017 5:58 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL)- Qiyaas la sameeyay ayaa lagu sheegay in illaa 4-milyan oo carrrur ah si degdeg ah ugu baahan yihiin kaalmooyin bini’aadanimo oo loo fidiyo Soomaaliya, inkastoo howlo badan oo gurmad ah laga fuliyay gudaha dalka.

5/23/2017 2:00 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adda UNICEF, ayaa todobadkan magaalladda Muqdishu ka bilaabay Ololaha tallaalka cudurka Jadeecada.

5/23/2017 1:51 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalladda Cadan ee dalka Yemen Danjire Axmed Cabdi Xasan Suudaani, ayaa sheegay in xabsiyada laga sii daayay Qaxootigii Soomaaliyeed ee ka badbaaday doontii lagu duqeeyey xeebaha magaalladda Xudayda ee dalka Yemen horraantii bishii Maarso ee sanadkan 2017.

5/23/2017 1:46 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Gabar iyo Wiil is-jeclaaday oo markii la isku diiday is Meher xaday ayaa qoyskii gabadha dhallay dhibaato soo gaarsiiyeen gabadhoodii iyo Aabaha dhalay wiilka guursanayay.

5/23/2017 1:45 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Ugu yaraan afar askari oo ciidanka dowladda ka tirsan iyo lix kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab ayaa shalay ku dhintay weerar gaadma oo ka dhacay degaan u dhow degmadda Bardale ee gobolka Baay.

5/23/2017 1:37 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Gaari ay la socdeen ciyaartooy kubadda cagta ciyaarta ayaa xalay lagu rasaaseyay degaan u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

5/23/2017 1:26 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Ugu yaraan 19 qof ayaa dhintay halka 50 kalana ay ku dhaawacmeen kadib, markii weerar Qarax ah uu ka dhacay goob xaflad ay ka socotay oo ku taalla magaalladda Manchester ee dalka UK.

5/23/2017 1:17 AM EST
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Warbaahinta Al Shabaab ayaa siidaayay muuqaal ku saabsan xaflad loo sameeyay dagaalyahanno ka tirsan kooxda oo dhameystay tababar ciidan oo muddo socday.