4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2017
UNICEF oo war ka soo saartay xaalada bani’aadannimo ee Soomaaliya

 

Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Qiyaas la sameeyay ayaa lagu sheegay in illaa 4-milyan oo carrrur ah si degdeg ah ugu baahan yihiin kaalmooyin bini’aadanimo oo loo fidiyo Soomaaliya, inkastoo howlo badan oo gurmad ah laga fuliyay gudaha dalka.

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in qiimeyn la sameeyay ay muujinayaan in xilligga Jiilaalka ee soo socda ay sii jirayaan ama ay sii kacsanaanayaan xaaladaha qatar ee xagga macluusha, taasoo keeneysa in ay isku darsamaan raashin la’an iyo halista cudurada faafa.

Tirada dadka u baahan kaalmooyinka bini’aadanimo ayaa noqonaya 6.7 million oo dalka ah ,halka 3.2 million ay ku jiraan halis ama ay joogaan goobo qatar ah.

Illaa 7-kun oo kiisaska cudurka jadeecada ah ay lagu waramy in lagu arkay gudaha dalka Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkaan,waxaana hey’adaha wadaaga la ah Unicef ay wadaan tallaal cudurkaasi ah oo sanadkaan laga tallaalayo 35-kun oo caruur ah

Dhinaca dadka ku barakacay aggaarka xarumaha magaaalooyinka ayaa la sheegay in dad gaaraya 30.kun oo barqakacayaal ah ay u baahan yihiin in laga gargaaro  adeegyada caafimaad sida fayo dhowrka iyo dhismaha musqulo si looga hortago halista cudurada, gaar ahaan xilligga roobabka

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]