Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya xoogagga Al-shabaab weerar ay ku qaadeen deegaanka Number 50 ku qafaasheen 25 ruux oo rayid ah.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab xalay weerareen deegaan u dhaxeeya degmada Afgooye iyo Marka, halkaa oo ay kula dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay sidoo kale dab qabadsiiyeen guryo ay lahaayeen dad rayid ah.
Lama oga halka ay la tageen dadka rayidka ah oo ay qafaasheen dagaallamayaasha Al-shabaab, oo waayadii ugu danbeeyayba weeraro kala duwan ku hayay xeryaha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]