4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2017
Madaxweyne Cosoble oo ku dhawaaqay gogol lagu dhisayo maamul gobolleed uu yeesho gobolka Banaadir

 

Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa oo ka qeybgallayay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi ayaa halkaa uga dhawaaqay gogol lagu dhisayo sida uu hadalka u dhigay maamul uu yeesho gobolka Banaadir.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool 3 Milyan oo ruux oo Soomaali ah, sidaa daraadeed suurtagal ma’aha in la yiraahdo wax matalaad ah malaha, waxaan halka idinka cadeynayaa in maamulka Hirshabeelle uu dhigayo degmada Balcad gogol lagu dhisayo maamulka uu yeesho gobolka Banaadir, cid kasta oo arintaa ay quseyso waa in ay ka soo qeybgashaa’’ ayuu yiri madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Senetor Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah siyaasiyiinta u olaleynaya maqaamka gobolka Banaadir.

 

Arrinta ku saabsan maqaamka Gobolka Banaadir ayaa ahaa mid aad u sii xoogeysanayay muddooyinkii u dambeeyay, waxaana Muqdisho ka dhacayay shirar looga hadlayay arrintan oo ay horboodayeen siyaasiyiin, waxgarad iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Hirshabeelle ee magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay hoteelka Laico Regency Hotel.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]