4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2017
Hargeysa : Qoys dhibaato u geystay gabadhooda iyo Aabaha dhalay wiil ay gabadha is Meher xadeen

 

Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Gabar iyo Wiil is-jeclaaday oo markii la isku diiday is Meher xaday ayaa qoyskii gabadha dhallay dhibaato soo gaarsiiyeen gabadhoodii iyo Aabaha dhalay wiilka guursanayay.

Arrintan foosha xun leh ayaa waxay ka dhacday magaaladda Hargeysa, waxaana ay ahaayeen laba qof oo is calmaday oo qoyskii gabadha dhalay u diiday Wiilkii soo doonayay, halka gabadhoodiina inta ay xir xireen dhibaatooyin soo gaadhsiiyeen.

Dhibaatadda wiilkan iyo gabadhan loo gaarsiiyay ayaa ah dhaqan xun oo bulshadda Soomaalida aaminsan yihiin kadib markii Wiil beelaha la hayb sooco ah iyo gabadh ka dhalatay dhinaca kale, hasse ahaatee waalidka gabadha u diideen in ay wiilkaasi inantoodda siiyaan dhibaato kalana ugu daray.

Gabadha wiilka loo diiday ayaa markii ay qoyskoodu maqleen in ay doonayso ninkaas kasoo jeeda beesha Gabooye ayaa waxa ay sameeyeen in ay dal-dalaan gabadhooddii, isla markaana ay ku sameeyeen jidh-dil aad u xun.

“Waxa sidan la igu daldalay nin Midgaan ah ayaad doonatay, waxan xidhnaa saddex habeen iyo sadex maalmood, , ninka midgaanka ah maxaad ka doonatay ayaa laygu sheegtay, saddex bilood ayaanu wada soconay oo isa soo mehersanay markii la isku kaayo diiday, ilaahay ha ii gargaaro” ayay tidhi gabadha wiilka loo diiday.

Odaygi wiilka dhalay ayaa sheegay in markii uu arkay in labada qof is jecel yihiin sidii dhaqanka ahayd qoyskii inanta u tagay oo duco u geeyey, haseyeeshee dagaal iyo dhibaato kale kala kulmay, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ markii aan ogaaday inay isa soo mehersadeen waxaan utagay aabaheed markii aan u tagayna bud buu ila dhacay oo gacanta iga jabiyey oo aniga iyo wiilkaygii soo cararnay,”

Dhinaca kale, waxa arrintan ka hadlay salaadiinta iyo boqorada beelaha Gabooye, waxaanay yidhaahdeen “Annakoo islaam ah oo ashahaadanayna oo isku dhaqana oo isku dal ah waxa hablihiina naga xaaraantimeeyay gaaladana u fasaxay bal culimada Somaliland ama culimada Soomaaliduba bal arrintaas hanooga soo jawaabaan” sidaas waxa yidhi Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye Boqor Axmed Ugaas Iimaan Warsame.

 

“Intaas oo qadiydood ayaa dhacdy oo nooca oo kale ah oo inan iyo wiil is doortay ah oo sifihii islaamka maray wax ka damqaday ma jiro ,aniguu waxaan usoo jeedinaya bulshada gabooye waar nimananyahow dulmigii caynkaasi wuu batay, waa arrin aad u xasaasiya laba qof ayaa is doortay oo la isku diidayaa”ayuu yidhi suldaan kale.

“wax ka xumaaday arrintan oo ka damqaday oo ummadda uga digay maanu arag, culimo nadwo ka qabatay maanu arag, ciidan ka dhiidhiyay maanu arag, maxkamado ka dhiidhiyay maanu arag, dawlad ka dhiidhiyay maanu arag, cid ka dhiidhiday maanu arag” sidaas waxa yidhi Suldaan Daakir Xasan Khaliif.

Dhaqanka noocan oo kale ah ayaa ku badan bulshada soomaalidda, taas oo ah mid qalafsan oo diinta islaamka ka soo horjeedda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.