4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

 

Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, isaga oo kulan la qaaday doona dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid rasmi ah ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo dhoofay dalka Sacuudiga halkaasoo ay uga qeyb galeen shir madaxeedka madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doona.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa uu khubad la xiriirta xaalada Soomaaliya ka horjeediyo baarlamaanka Jabuuti ,sidoo kale waxaa uu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku daah furayo dekedda cusub.

Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howl galka AMISOM,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]