4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2017
Faah faahin : Magacaabista guddoomiyayaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir Sawirro

 

Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Wareegto ka soo baxday wasaarrada arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya ayaa mar kaliya lagu magacaabay guddoomiyayaashii degmo ee ugu badnaa gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay ilaa 15 guddoomiye degmo, kuwaa oo badallaya guddoomiyayaal hore oo dhalinyarro u badnaa, kuwaa oo xilka soo hayay tan iyo sanadkii 2014ka.

Haweenka ayaa markii ugu horeysay taariikhda inta la xasuusto ka hellay tiradii ugu badneyd ee guddoomiyayaal degmo gobolka Banaadir, iyaga oo yeellanaya ilaa shan guddoomiye.

Waxaa xilalkoodii sii haya oo aan laga qaadin guddoomiyayaasha degmooyinka Kaxda iyo Huriwaa, halka guddoomiyihii degmada Dherkeenley loo soo wareejiyay degmada Kaaraan.

Hadaba hoose ka Akhriso magacyada guddoomiyayaasha cusub iyo guddoomiyayaasha xilka laga qaaday :

1.Degmada Shibis waxaa loo magacaabay Safiyo Cali Jimcaale/ horey waxaa u hayay Axmed Muumin Maxamed.

2.Degmada Hodan waxaa loo magacaabay Maxamed Axmed Maxamuud (Cantoobo)/ horey waxaa u hayay Axmed Salaad Ibraahim.

3.Degmada Yaaqshiid waxaa loo magacaabay Axmed Xasan Maxamuud / horey waxaa u hayay Cusmaan Maxamuud Cadaawe.

4.Degmada Wadajir waxaa loo magacaabay Cumar C/laahi Xasan/ horey waxaa u hayay Axmed Cabdulle Afrax.

5.Degmada Howlwadaag waxaa loo magacaabay C/kariin Cali Cabdi (Kaar)/ horey waxaa u hayay Ciise Maxamuud Guurre.

6. Degmada Kaaraan waxaa loo magacaabay C/fataax Nuur Cali (Yaanyo)/ horey waxaa u hayay Cumar Meyre Macow.

7.Degmada Dayniile waxaa loo magacaabay C/wali Nuur Faarax/ horey waxaa u hayay Axmed Nuur Cabdi Siyaad.

8.Degmada C/casiis waxaa loo magacaabay Sharmaarke Maxamed Ladane/ horey waxaa u hayay Cusmaan Muxudiin Cali Cariif.

9.Degmada Dharkeynley waxaa loo magacaabay C/raxmaan Siid Cali Xuseen/ horey waxaa u hayay C/fataax Nuur Cali (Yaanyo).

10.Degmada Shangaani waxaa loo magacaabay Basmo Cumar Axmed/ horey waxaa u hayay C/qaadir Maxamed C/qaadir

11.Degmada Xamar Weyne waxaa loo magacaabay Cumar Shariif Maye/ horey waxaa u hayay Saciid C/qaadir Saciid.

12.Degmada Xamar Jajab waxaa loo magacaabay C/wali C/laahi Maxamed/ horey waxaa u hayay Axmed Cusmaan Dhoore.

13.Degmada Waabari waxaa loo magacaabay Rowdo C/laahi Colaad/ horey waxaa u hayay Xuseen Axmed Culusow.

14.Degmada Boondheere waxaa loo magacaabay Zainab Yuusuf Wehliye/ horey waxaa u hayay Qaasim C/laahi Xasan (Dheere).

15.Degmada Warta-nabada waxaa loo magacaabay Zainab Maxamuud Warasame/ horey waxaa u hayay Yaasiin Nuur Ciise.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]