4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2017
Faafaahin: Weerar ay ku dhinteen 10 ka tirsan Al shabaab iyo dowladda oo ka dhacay Gobolka Baay

 
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Ugu yaraan afar askari oo ciidanka dowladda ka tirsan iyo lix kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab ayaa shalay ku dhintay weerar gaadma ah oo ka dhacay degaan u dhow degmadda Bardale ee gobolka Baay.

Weerarka waxaa uu isku bedelay dagaal toos ah waxaana uu ka dhacay degaanka Mad Sheikh oo hoos taga degmadda Bardaale ee Gobolka Baay.

Cabdullahi Sheekh Mxamed oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Baay, ayaa sheegay in askarta ay ku dhinteen miino waddada dhinaceeda lagu aasay.

“Waxaa naga geerooday afar askari, kadib markii gaari ciidanka ay wateen uu ku dhacay Miino, balse waxaan dilnay lix kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab”, sidaasi waxaa yiri sarkaalka.

Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Dagaalyahannada Al shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliyay degaannada koonfurta Soomaaliya, gaar ahaa Goboladda Baay iyo Bakool.

Xaaladda degaanka Mad Sheikh oo hoos taga degmadda Bardaale ee Gobolka Baay, ayaa maanta degan sida dadka degaanka ay u sheegeen Hiiraan Online.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia