4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2017
Gaari ay saarnaayeen ciyaartooy oo lagu rasaaseyay Gobolka Sh.Hoose

 
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Gaari ay la socdeen ciyaartooy kubadda cagta ciyaarta ayaa xalay lagu rasaaseyay degaan u dhow degmada Afgooye  ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Tacshiirada la hubiyay gaariga waxaa ku geeryooday Yusuf Cali Xeyday, oo ahaa tababare ku-xigeenka kooxda Bariga-Dhexe, sida warbaahinta dowladda ay sheegtay, dhinaca kale masu’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Sheegay in rasaasta ay ku dhaawacmeen labo ciyaartoy oo u ciyaara Kooxda Elman.

Labada ciyaartoy ee dhaawacantay ayaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Mayow iyo ciyaaryahan lagu naaneyso Zimbaabwe.

Taliyaha Qeybta Boliiska ee Gobolka Shabeellaha Hoose Col. Cabdi Ibraahim, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gaariga lagu xabadeeyay Shabeellaha Hoose.

Mid ka mid ah Dhallinyarada ayaa Hiiraan Online u sheegay in iyagoo ka soo laabtay Magaalladda Muqdisho oo ay kubada ku cayaareen in dhexda loo galay.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa rasaastan lagu furay dhallinyaradan ciyaartooyda ah.

Maamulka dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa baaritaano ku haya ujeeda ka dambeysa dhacdadan, sida ay sheegeen.

Xaaladda dhallinyaradii xalay ku dhaawacmay rasaasta ayaa lasoo sheegayaa in ay aad u wanaagsantahay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay rasaasta khasaaraha ay kasoo gaaraty ciyaartooy kubadda cagta ciyaarta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia