Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo kormeeray xarumaha hay'adaha samafalka


Axad, June 08, 2014 (HOL) — Kormeerkan oo ahaa mid uu maamulka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xassan Afrax ugu kuur-galayay xaalada nolaleed iyo amni  ayuu ku tagay qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Baladweyne iyo xurmaha qaar ka mid ah hay’addaha samafalka ka howlgal gobolka.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa booqday dhisme maamulka gobolka Hiiraan oo ka wado hareeraha wadada laamiga, isaga oo halkaa kula hadllay shaqaallaha ku howlan dhismaha.

Xarumaha hay’addaha uu booqday guddoomiyaha ayaa waxaa ka mid ahaa hay’addaha DRC iyo hay’adda Relife International, isaga oo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta labada hay’addood oo faah faahin ka siiyay guddoomiyaha howlaha samafal oo ay ka wadaan gobolka.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa intii uu kormeerkiisa ku jiray waxaa uu la sheekeystay dhalinyarrada ku dhaqan mid ka mid ah xaafaddaha magaalada oo waqtigaa ku sugnaa goob maqaaxi ah oo shaaha laga cabo, waxaana uu kala hadllay xaalada nabad-galyo iyo tan nolaleed ee xaafadda ay ku nool yihiin, waxaan ay u sheegeen in nabad-galyo wanaagsan tahay ciidammada maamulka gobolka iyo shacabka xaafaddana ka wada shaqeeyaan.

Kormeerkiisa kadib ayuu warbaahinta la hadllay isaga oo sheegay. "Ujeeddada kormeerka aan ku tagnay qaar ka mid ah xaafaddaha magaalada waxaa ay aheyd bal in shacabka iyo mas’uuliyiinta maamulka si toos ah isku arkaan, is xog –wareystaan, si aan ula socono xaalada dhabta ah ee ka jirta magaalada,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Hay’addaha samafalka ayuu ku booriyay guddoomiyaha in ay labo jibaaraan howlaha ay u hayaan bulshada, gaar ahan waxaa uu ka dalbaday sidda ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmado dadka ku dhibateysan degmada Buula-burte.

“Hay’addaha samafalka runtii shaqo wanaagsan ayay gobolka ka hayaan, waxaan ka dalbanay in ay gacan siiyaan dadka guud ahaan gobolka ku dhibaateysan, gaar ahaan degmada Buula-burte oo xaalad nolaleed oo aad u liidata ay ka jirto, annaga ka maamul ahaanna waxaa ballan-qaadnay inaan hay’addaha ka gacan siino siddii ay ku gaar lahaayeen degmada,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Dhalinyarrada ku dhaqan gobolka ayuu ku booriyay in ay ka shaqeeyaan ammniga iyo dib –u-dhiska gobolka, madaama bulshada la’aanteed ay adag tahay in wax badan la qabto.

Komeerka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan uu maanta ku tagay qeybo ka mid ah magaalada waxaa siweyn u soo dhaweeyay bulshada oo sheegtay in loo baahan yahay mar marka qaar in mas’uuliyiinta maamulada soo dhax-gallaan shacabka si ay wax badan oga ogadaan xaalada dhabta ah ee jirta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya