Axad, June 08, 2014 (HOL) — Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegay in howlgallo ciidamada amniga ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
Afhayeenka laamaha amniga dowladda, Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qabteen dad gaaraya illaa 120 qof, baaritaanno ay Muqdisho ka sameeyeen.
“Dadkan waxaa laga soo qabtay xaafado kala duwan oo Muqdisho ku yaalla, 100 ruux oo ka mid ah ayaana baaritaanno kaddib lasii daayay,” ayuu afhayeenku ku yiri warbixintiisa.
Sidoo kale, Qaasim Axmed ayaa xusay in inta soo hartay oo ah 20-qof baaritaan lagu sameyn doono, isagoo xusay in looga shakisan yahay inay xariir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka wuxuu xusay in howl-gallada ka socoda Muqdisho ay sii soconayaan inta laga xaqiijiyo ammaanka Muqdisho, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay baaritaannadan noqon doonaan kuwo wax ka bedeli doona ammaanka guud ee Muqdisho.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay baaritaanno kala duwan ka wadeen degmooyinka Muqdisho, iyagoo baaritaannadan ku baaraya guryaha iyo gaadiidka.
Baaritaannadan ayaa waxay imaanayaan iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay ka dhawaajiyay dhawaan in la billaabi doono howlgallo wax looga bedelayo amniga guud ee magaalada Muqdisho.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya