Markab ku jeeday Dekedda Mombasa oo cillad Awgeed ugu soo xirtay Hobyo

Axad, June 08, 2014 (HOL) — Xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa kusoo xirtay markab kuwa xammuulka qaada ah, waxaana la sheegay inuu u socday dekedda weyn ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Markaba ayaa la sheegay inay sabab u ahaayd cillad farsamo awgeed, taasoo ku qasabtay inuu kusoo xirto xeebta degmada Hobyo. Markabka ayaa waxaa saarn 10 shaqaale ah, kuwaasoo u kala dhashay dalalka Iran, Bangaladesh iyo India.

Wararka ayaa sheegaya in markabkan uu kasoo baxay magaalada Shaariqa ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday Mombasa, waxaana soo xirashada markabka Hiiraan Online u xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

Markabkan ayaa la sheegayaa inay soo wajahday shidaal yari taasoo keentay in uu u dhawaado xeebta degmada Hobyo, sida uu sheegay afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Careys Maxamed Xaaji.

"Markabka waxuu kusoo xirtay xeebta degmada Hobyo, waxay noo sheegeen shaqaalaha saaran inay haysato cilad dhinaca shidaalka ah taasoo ku qasabtay inuu u dhawaado xeebta degmada Hobyo," ayuu yiri HOL u sheegay Careys.

Dhinaca kale, wasiirka kalluumaysiga iyo dekadaha Galmudug, Cabdiqaadir Cali Jaamac ayaa isna dhankiisa warbaahinta gudaha u sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay shidaal ugu heli lahaayeen markabkaas.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ganacsatada iyo shirkadda markabkaan iska leh iyo dawladda Kenya oo dalkeeda uu kusii jeeday.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya