Hay‘adda UNHCR oo Shaacisay in Qoxooti Soomaaliyeed la diiwaan-geliyay

Axad, June 08, 2014 (HOL) — Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ay gaareen Qaxooti cusub oo Soomaaliyeed, kuwaasoo la diiwaan-geliyay.

UNHCR ayaa sheegtay inay diiwaan-geliyeen 45-kii maalmood ee lasoo dhaafay 5,860 ruux oo ah qaxooti cusub oo Soomaaliyeed iyo dad magan-galyo doon ah.

Sidoo kale, UNHCR ayaa ku sheegtay warbixinteedan cusub iyadoo kaashaneysa hay’adda dalka Kenya u qaabil Qaxootiga ee DRA ay diwaan-galiyeen 772 ruux oo tagay xerada Xagar-dheere, 1,501-ruux ayaaiyagana lagu diiwaan-geliyay xerada IFO I, halka 616 ruux ay iska diiwaan-geliyeen xerada IFO II oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab.

”Waxaan soo badanaya dadka Qaxootiga ah, iyadoo 14kii bihsii Abriil ay dib uga billaabatay diiwaan-gelinta qoxootiga, iyadoo dhammaadkii May ay tirada guud ee qaxootiga gaartay xeryaha Dhadhaab ay gaarayaan 5,088 ruux iyadoo dadka magan-galyo doonka ay gaareen 701-ruux, kuwaasoo laga diiwaan-geliyay xerada Dhadhaab,” ayaa lagu yiri UNCHR.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladda Kenya ay doonayso inay dib ugu celiyo dalkoodii Soomaaliya iyo xeryaha xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo ku yaalla dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya