Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Masar


Axad, June 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ka qayb-galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa kulan la qaatay madaxweynaha cusub ee Masar.

Xasan Sheekh iyo C/fataax Al-Siisi ayaa waxay kaga hadleen xoojinta xiriirka labada dalka iyo doorka Masar uga aaddan horumarka iyo amaanka Somalia, isagoo ugu hambalyeeyay dhiggiisa Masar xilka cusub ee uu ku guuleystay kaddib doorasho ka dhacday dalkaas.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, ahna sii hayaha xilka Wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in kulanka labada madaxweyne uu ay kaga hadleen arrimo badan oo xaaladda Soomaaliya ku saabsan.

Xafladda caleemo saarka C/fataax Al-Siisi ayaa waxaa ka qayb-galay wafuud heer caalami ah, waxaana markii xilka madaxweynenimo loo dhaariyay uu ballan-qaaday inuu ilaalinayo danaha shacabka Masar iyo midnimadooda.

Wefdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay kusoo laabtaan Muqdisho, iyadoo socdaalkan uu noqonayo socdaalkii ugu horreeyay oo madaxweyne Xasan uu ku tago dalka Masar tan iyo markii xilka madaxnimo ee Soomaaliya loo doortay.

Dowladda Masar ayaa waxay ka mid tahay dowladaha gacanta ka siinaya Somalia sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada Somalia, waxaana sidoo kale ay ka mid tahay dalal dhowr ah oo danjirayaal u soo magacaabay Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya