Madaxweynaha Jacob Zuma oo xaalad Caafimaad darteed loo dhigay Isbitaal

Axad, June 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayay baryihii la soo dhaafay ayaa la dhigay isbitaal si halkaas looga daweeyo xanuunno is-daba joog ah oo soo wajahay.

“Dhaqaatiirtu way ka war-hayaan xaalkiisa," ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Afrika ,iyadoo aan faah-faahin dheeri ah laga bixin waxyaabaha uu ka sheeganayo madaxweyne Jocob Zuma.

Waxaa kaloo lagu sheegay war-saxaafadeedka  in Zuma oo 72-sano jir ah uu muddo ka maqnaan doono xarumaha dowladda iyo goobaha kaleba si uu nasasho u helo, isagoo laba asbuuc ka hor loo dhaariyay xafiiska madaxtnimada ee dalkaas.

“Madaxweynaha waxa uu u baahanhay in uu ka nasto doorashooyinkii dhamaaday ,waxaana waajibaadkiisa shaqo uu sii wadan doonaa isaga oo gurigiisa jooga,“ ayaa mar kale lagu xusay warka ka soo baxay dowladda.

Xisbiga madaxweyne Zuma ee ANC ayaa ku guulaystay doorashadii shanaad oo si dimuqraadi ah uga dhacda wadanka  Koonfur  Afrika,iyaga   oo helay codad dhan  62%,inkastoo ay jireen eedaymo loo jeedinayay ka hor doorashada.

Ugu danbayn, ma jiraan faa-faahinno dheeri ah oo xligan laga helayo xaaladda rasmiga ah ee madaxweynaha ,basle qaar kamid  ah warbaahinta gudaha ee dalkaas ayaa soo warisay  in ay jiraan xanuunno muddo soo hayay madaxweyne Zuma.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]