
Axad, June 08, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa rajo ka qabta inay Soomaaliya kula heshiiso sahaminta khayraadka ku xeeran goobaha ay horay labada dal isugu khilaafleen ee badweyne Hindiya iyo deegaanno ku dhow xuduudda labada dal.
Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay ugu gudbiyay Qaramada Midoobay qoraallo ay ku dalbanayaan in la caddeeyo xuduudaha badda ee labada dala, taasoo ay ku murmeen.
Kenya iyo Soomaaliya ayaa sannadkii 2009 kala saxiixday heshiis is-faham ah oo ku saabsan soohdinta xeebaha, inkastoo baarlamaanka Somalia uu heshiiskaas ku gacan-sayray.
DowladdaSoomaaliya ayaa sannadkii 2012-ka waxay ku eedeysay Kenya inay wado qorshayaal ay shidaal kaga baarayso xeebaha Soomaaliya, iyadoo Kenya ay si cad u beenisay eedeymahaas iyadoo sheegaysa in xeebahaas ay yihiin kuwo iyada ay leedahay.
Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in dhammaan labada dal xaduudka badda loo ogol yahay inay isticmaalaan 200 mayl kuwaasoo leh ujeeddooyin dhaqaale isla markaana aanu dalna fargelin ku sameyn xeebaha dalka kale.
Labada waddan ayaa mid walba wuxuu doonayaa inuu ka faa’iideysto khayraadka badda ee dhinaca saliidda ah, iyadoo Kenya ay sidoo kale muran dhinaca xuduudda badaha ah kula jirtaa dalka Tanzania.
Qodobbada caalamka u dagsan ee dhinaca badaha ayaa ah 200 oo mayl, iyadoo uu dal walba khayraadka kasoo saaran karo xeebaha dalkiisa, isagoo aan wax xad-gudub ah ku sameynayn xeebaha dalalka ay dariska yihiin.
Tansaaniya ayaa uga digtay Kenya sannadkii 2012 inay soo farageliso xeebaheeda gaarka ah ee badweynta Hindiya, iyadoo Kenya aysan taas ka hadlin, waxaase ay u muuqataa Kenya inay culeys weyn saarayso muranka xeebaha Soomaaliya ay ku sheeganayso.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Soomaaliya iyo Kenya ay ku murnaan xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo heshiiskan la filayo inay labada dal ka gaaraan xadeynta badaha ay noqonayso tii labaad.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya