Axad, June 08, 2014 (HOL) — Wafdi ka socda Turkiga oo uu hoggaaminayay qunsulka safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, Cumar Faaruuq ayaa maanta booqday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Xubnaha wafdigan oo ka koobnaa 14 qof ayaa waxay isugu jiraaan mas’uuliyiin ka socda bangiyo maal-gashi oo laga leeyahay Turkiga, ganacsato iyo xubno ka mid ah safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Puntland, iyadoo qunsulka Turkiga ee Somalia oo si kooban ula hadlay warbaahinta uu sheegay in socdaalkooda uu salka ku hayo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen ganacsiga, maal-gashiga iyo howlaha horumarineed ee Turkigu ka wado Puntland.
Sidoo kale, wasiirka maaliyadda Puntland, Shire Xaaji Faarax ayaa warbaahinta u sheegay inay wafdigani yihiin kuwo kormeeraya deegaanno ka tirsan Puntland oo ay doonayaan in ay maal-gashiyo kala duwan ku sameystaan.
Wafdiga ayaa waxay booqdeen meelo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dekedda Boosaaso, garooonka diyaaradaha iyo deegaanka Mareero oo ku yaalla bariga Boosaaso, si ay wax uga ogaadaan howlaha ka socda.
Dhanka kale, wafdigan ayaa kulan iriduhu u xiranaa la yeesheen madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas, iyagoo kaga hadlay kulankooda sidii ay Turkiga iyo Puntland isaga kaashan lahaayeen horumarinta ilaha dhaqaalaha, sida garoomada, dekedaha, tamarka iyo waddooyinka.
Ugu dambeyn, madaxweyne C/weli Gaas ayaa wafdigan qado-sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooyada ee Boosaaso, isagoo warbaahinta u sheegay in socdaalka wafdigan uu qayb ka yahay sodaallo is-daba-joog ah oo ay wafdiyo ka socda Turkiga ay ku imaan doonaan Puntland.
Wafdiga ayaa isla maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalioo markii hore ka dhoofeen, waxaana booqashadan ay imaanaysaa xilli ay ku dhawaaqeen hay’ado Turki ah mashaariic cusub oo ay ka fulin doonaan Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











