
Axad, June 08, 2014 (HOL) — Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nick Kay ayaa maanta wuxuu si toos ah uga jawaabay s’aalo adag, kuwaas oo uga imaanayay dadka Soomaaliyeed kala jooga dunida daafadeeda, kaddib markii uu soo fariistay bogga xaafiiskiisa ee shabakadda Twitter ee #AskUNSOM.
Kay wuxuu ka jawaabay su’aalo la xiriira Ammaanka, Siyaasadda, Federalka, Musuq-maasuqa, Al-shabaab, Doorashada 2016, Somaliland iyo Dastuurka. Doodan oo su’aalo dhowr ah lagu weydiiyay haddii aan soo kobo jawaabihii iyo su’aalihii labada dhinac, waxay aheyd sidan:-
SU'AAL: Mudane Safiir, Ma taageereysaa haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu wada xaajood la billaabo kooxda Al-shabaab?
JAWAAB: Badanaa daagaal ama khilaaf waxaa lagu dhammeeyaa maslaxo siyaasadeed. Dowladdu waxay sheegeysaa inay wada hadal diyaar ula tahay dhammaan kuwa ka tanaasula rabshadaha.
SU'AAL: Maxaa sababay in Toban kun oo Ciidan AMISOM ah oo mushaar fiican qaata, qalab heer sare ah heysta, isla markaan dagaal yahanno ah ay magaalada Muqdisho ammaankeeda sugi waayaan ilaa sanadkii 2007?
JAWAAB: Mar kasta waa xujo in la helo ammaan dhameystiran. Argagixisadu waxay dunada oo dhan ka geysataa weerarro, Muqdisho hadda waa ka ammaan badan tahay sadex sano ka hor.
SU'AAL: Waxaan aaminsanahay in hey'adaha UN-ka ee dalka ka shaqeeya ay ka musuq-maasuq badan yihiin xitaa dowladda la caayo, maxaad ka leedahay arrinkaas?
JAWAAB: Dhammaan hey'adaha UN-ku waxaa si joogto ah loo marsiiyaa hannaanka 'xisaabi xil ma leh' macluumaadka arrinktaas ku saabsanna si waadix ah ayaa loo heli karaa.
SU'AAL: Ma u maleyneysaa in doorasho dhici doonto sanadda 2016? Mise kula tahay in qaabka 4.5 uu sii shaqeyn karo?
JAWAAB: Dadka Soomaaliyeed waxay go’aansadeen inay soo af-jaraan 4.5. Doorasho dhacda 2016 weli waa ififaalo muuqda haddii hadda la sameeyo dhaq-dhaqaaqyo waxqabad oo deg deg ah, doorashaduna waa tallaabo muhiim u ah dhameynta habkan 4.5.
SU'AAL: Waxaad la soo shaqeysay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Biixi Yoonis markii uu ahaa wakiilka hey’adda Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa u qaabilsan arrimaha gobolka Darfur ee UNAMID, sidaa daraadeed maxaa u aqbali la’dihiin dimoqraadiyadda ka jirta Somaliland?
JAWAAB: Arrintan aqoonsiga Somaliland waxay u taal dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ilaa iyo hadana ma jirto dowlad wax aqoonsi ah siisay Somaliland.
SU'AAL: Sidaan ognahay Dowladda Federalka ah iyo maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland waxay dhammaantood shirkado shidaalka baara la saxiixdeen heshiisyo kala duwan, xaafiiskiinu muxuu arrinkaas ka leeyahay?
JAWAAB: Lahaanshaha kheyraadka dabiiciga ah iyo canshuuraadka waxay u baahan yihiin in lagu qeyxo dastuurka Federalka ee kama dambeysta ah, waxaana soo dhaweynayaa guddiga dib u eegista dastuurka ee dhawaan la magacaabay, waa tillaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday doorashada 2016.
SU'AAL: Goormee dadka SOomaaliyeed iyagoo u madax bannaan ay ku heshiin doonaan nidaamka Federalka?
JAWAAB: Soomalidu weli ma aysan dooran nuuca Federaal oo ay dhab ahaan rabaan, waxaana loo baahan yahay dood qaran.
Ugu dambeyntii Mr. Kay ayaa ka gaabsaday su’aalo kale oo dhowr ah oo ka imaanayay Saxafiyiin iyo aqoonyahanno kale, kuwaas oo la xiriiray marxaladda dalku uu marayo iyo doorka Qaramada Midoobay.
Waxaa soo koobay:
Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota