Aqoon-kororsi ku saabsan Lahjadda Maay-ga oo lagu qabtay Machadka ISOS


Axad, June 08, 2014 (HOL) — Machadka ISOS ee daraasaadka Soomaalida oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho ayaa qabtay aqoon is-weydaarsi ku saabsan Naxwaha Lahjadda “MAAY” maalintii Khamiista ahayd ee aynu soo dhaafnay.

Aqoon-is-weydaarsigan waxaa kasoo qayb-galay aqoonyahanno kala duwan, masuuliyiin ka socda hay’ado ka shaqeeeya dhaqanka iyo afka iyo agaasinka dhaqanka ee wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu horreyn, waxaa mawduuca ku saabsan Afka Soomaaliga horudhac kooban ka soo jeediyay, Mustafa Cabdullaahi oo sheegay inuu yahay afka Geeska Afrika, kana mid yahay dhowrka af ee Afrika loogu cilmi-baarista badan yahay, haddana weli u baahan daraasaad qoto-dheer oo lagu sameeyo dhinacyadiisa kala duwan iyo lahjadihiisaba.

Kaddib waxaa cilmi-baaris uu ku sameeyay naxwaha Lahjada MAAY-ga kusoo bandhigay, Axmed Maxammad Sulaymaan “Shiraac”, kaddibn; aqoonyahanka ayaa isla falan-qeeyay naxwaha Maay-ga. Bogaadinta iyo mahadnaqa ka sokow, waxaa Axmed Shiraac lagu tilmaamay geesi ku dhiirraday inuu baaro naxwaha Lahjadda Maay, isagoo aan ku hadlin.

“Geesinimada Shiraac waxay dhiirri-gelin u tahay aqoonyahannada Maay-ga ku hadla oo aan anigu ugu horreeyo,” ayuu yiri Abuukar Al-badri oo si fiican ugu labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Waxaa jira daraasado ay sameeyeen aqoonyahanno kala duwani, maanta waxaa ku bogaadinayaa machadku tallaabadan uu u qaaday in lasoo bandhgo daraasado la xiriira lahjadda Maay-ga,” sidaa waxaa isna yiri C/raxiin Macallin Yaroow.

Waxaa jirta baahi loo qabo madal ay isku arkaan aqoonyahanku, qofkii cilmibaaris sameeyayna ugu soo bandhigi karo saaxiibbadiisa kale. Iyadoo mas’uul ka tirsan ISOS uu isana yiri: “ Baahidaas inuu kaalin ka qaato ayuu machadku goostay, cid kasta oo daraasad ay Soomaalida ku samaysay soo bandhigay machadku diyaar ayuu u yahay intii awooddiisa ah.”

Aqoon-is-weydaarsigu wuuxuu ku dhacay jawi aad u fiican. Iyadoo machadka ISOS oo howshan isku soo duba-riday uu ka tirsan yahay Jaamacadda Muqdisho isagoo qaabilsan dhinaca cilmi-baarista Sooamaliya iyo dalalka Geeska Afrika ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya