Axad, June 08, 2014 (HOL) — Baabuur waxyaabaha Qarxa laga buuxiyay ayaa Sabtidii shalay loo adeegsaday qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay xafaado ka tirsan xarunta dalka Ciraaq ee Baqdaad, waxaana qaraxyadaas ku dhintay 60-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Saraakiisha amniga magaalada Baqdaad ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay ku qaadeen weerar xarun jaamacadda oo ku taalla Baqdaad, waxaana qaraxyadan ay intooda badan ka dhaceen xaafadaha ay deggen yihiin dadka shiicada ah.
Qaraxii ugu khasaaraha badnaa ayaa ka dhacay xaafadda Banyaa, halkaasoo gaari lagu qarxiyay uu dilay 23-qof, kuwaasoo intooda badan ay ahaayeen dhallinyaro ciyaariyay bilyaardi.
“Markaan maqlay qaraxyo badan oo dhacaya ayaa go’aansaday inaan dukaankeyga xiro, weli baqdin weyn ayaa igu jirta,” ayuu yiri Kariim Cabdalla oo warbaahinta la hadlay, isagoo xusay in dad badan ay khasaare kasoo gaartay qaraxyadan.
Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan oo afar ahaa ayaa haddana waxaa deegaannada shiicada inta badan weerara kooxaha sunniyiinta ah.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli kooxo hubeysan ay qabsadeen degmooyinka Falluuja iyo Ramaadi maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay, kuwaasoo ah laba degmo oo waaweyn oo ku yaalla gobolka ay Sunniyiintu ku badan yihiin ee Anbar.
“Xukuumadda Ciraaq ma doonayso inay xoog u adeegsato xallinta arrintan. Taasoo ay u aragto inay sii xoojin karto colaadda,” ayuu yiri Shawan Maxamed Taaha oo ka tirsan mas’uuliyiinta xukuumadda Ciraaq, isagoo xusay in colaaduhu ay xilliyadii la soo dhaafay u badnaayeen xaafadaha Sunniga sida Diyaala.
Shawan Taaha ayaa intaas ku daray: “Tani ma ahan oo keliya in xaaladda oo sii xumaanaysa, balse dowladda ayaa ku guul-darreysatay inay sugto amniga guud ee Ciraaq.”
Dalka Ciraaq ayaa waxaa tan iyo markii ay dagaalladu ka billowdeen si aad ah ugu sii kordhayay colaadaha, iyadoo inta badan dalkaas ay sannad walba ku dhintaan dad dhibaato ay kasoo gaartay qaraxyo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya