Axad, June 08, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 12-qof ayaa ku geeriyooday dagaallo mar kale maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo dagaalladan ay ku dhaawacmeen in ka badan 25-qof oo kale.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood ah dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka, iyadoo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay in dagaalladan ayu dhexeeyaan ciidammo beeleed.
“Inta aan ognahay dagaalka waxaa ku dhintay 12-qof oo dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ahaa, ma jiraan dad shacaba ah oo ay waxyeello ay dagaalkan kasoo gaartay,” ayuu yiri C/qaadir Sheekh Maxamed Siiddii.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka maanta uu intiisa badan ka dhacay dhul beereedyo ku yaalla gobolka, isagoo xusay in dagaallada maanta ay ka dhaceen deegaanno ay ka mid yihiin Ceel-wareegoow, Busleey, Sagaarooleey iyo weliba deegaano ka tirsan Awdheegle, Ay-buteey iyo Jannaale.
“Waxaan wadnaa qorshe aan ku doonayno in dhinacyada dagaalmaya ay sida ugu dhaqsiyaha badan u kala dhex-galaan ciidamada dowladda iyo AMISOM si loo qaboojiyo colaadda oo u muuqata inay sii baahayso,” ayuu Siiddii hadalkiisa ku daray.
Dagaalka maanta oo ah mid aad u xoog badan ayaa daba socda dagaallo horay uga dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Siiddii uu sheegay in dagaalladan ay yihiin kuwo markoodii hore ka billowday dhul la isku haysto, balse ay isku bedeleen kuwo siyaasadeed.
“Kooxaha dagaalamaya waxay isku hayaan dhul beereedyo gobolka ku yaalla, balse dagaalkoodu wuxuu isku bedelay mid siyaasadeed, waana tan sababta u ah in dagaalku uu noqday mid dabo-dheeraaday,” ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.
Ugu dambeyn, C/qaadir Siiddii ayaa sheegay in dhinacyada dagaallama ay isaga dileen 23-qof oo haween u badan kala aargoosi, waxaana dagaalkan uu gobolka ka socdaa laba toddobaad oo xiriir ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya