Axad, June 08, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba ayaa meel fagaare ah ku gubayq dawooyin iyo cabitaanno aad u badan oo kasoo ururiyeen qaar kamid ah xarumaha ganacsi iyo weliba goobo caafimaad oo ku yaal magaalada Kismaayo.
Shixnadaha maanta la gubay ayaa gaarayay ilaa afar gaari oo nooca iska rogaha loo yaqaan, waxaana laga soo ururiyay xarumo ganacsi iyo goobo caafimaad oo magalada ku yaal.
Ugu horeyn, waxaa goobtii lagu gubayay dawooyinka iyo cabitaannada dhacay ka hadlay Dr. Axmed Taajir oo ka tirsan gudiga fayadhowrka degmada Kismaayo, wuxuuna sheegay in cabitaannada ay kasoo ururiyeen goobo ganacsi, isagoo xusay in dawooyinka ay soo qabteen ee ay taariikhdoodu dhacday ay aad u badantahay, wuxuuna sheegay in ay kasoo qabteen isbitaallo iyo goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay.
Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose, C/rashiid Gooni oo isna goobta ka hadlay ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in nin dhaqtar isku sheegaya uu umadda ka iibiyo dawo dhacday, isagoo digniin u diray ganacsatada iyo dadka jooga goobaha caafimaadka in ay iska ilaaliyaan in ay shacabka ka iibiyaan dawooyin dhacay.
“Laga bilaabo maanta waan la xisaabtami doonnnaa ganacsadihii aan ku aragno isagoo dadka ka iibinaya shey dhacay, meel fagaare ayaa dadka ugu soo bandhigi doonnaa,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.
Waa markii ugu horeeysay oo tiro intaan la eg oo dawooyin iyo cabitaanno dhacay lagu gubo magaalada Kismaayo tan iyo intii Al-shabaab lagala wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya