Kooxo hubeysan oo laba qof ku dilay tuulada Beer-gadiid ee Gobolka Hiiraan

Axad, June 08, 2014 (HOL) — Laba qof oo ahaa wiil iyo aabbihii ayay kooxo hubeysan ku dileen maanta tuulada Beer-gadiid ee gobolka Hiiraan oo 50-km dhinaca waqooyi ka xigta degmada Baladweyne ee xarunta gobolkaas, kaddib markii ay weerareen gooba raashin lagu bixinayay.

Guddoomiyaha tuulada Beer-gadiid, Maxamed Xuseen Weheliye ayaa sheegay in sababta ay dabelydan dilkan u geysteen aysan ogeyn, balse ay dileen laba qof oo wiil iyo aabbihiis ahaa, qof kalena ay dhaawaceen.

“Kooxaha hubeysan waxay saakay 9:00 aroornimo yimaadeen goob ay raashin ugu qaybinaysay dadka deegaanka hay’adda Save the Children, waxaana ka hor-tagay wiilka iyo aabbihii oo doonayay inay celiyaan, balse rasaas ayay ku fureen taasoo sababtay inay geeriyoodaan,” ayuu Weheliye u sheegay laanta afka Soomaaliga  ee VOA-da.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in ruuxa kale ee dhaawaca loo geystay ay rasaastu uga dhacday caloosha lana gaarsiiyay isbitaalka Baladweyne halkaasoo lagu qalay, kooxihii dhibaatada geystay ayuu sheegay inay ka mid ahaayeen dadka deegaanka ayna baxsadeen.

“Dableyda dilka geysatay ma garanayno ujeedka ay lahaayeen, wayna baxsadeen markii ay dilka geysteen,” ayuu mar kale yiri Weheliye oo intaas ku daray inaysan jirin cid wax ka tiri ama wax ka qabanatay dilka labadan qof.

Guddoomiyaha Beer-gadiid oo sii hadlayay ayaa sheegay in aabbaha la dilay uu ka mid ahaa oday-dhaqameedyada deegaanka, wiilkuna uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta deegaanka Beer-gadiid, dilkoodana aad looga xumaaday.

“Hay’adda Save the Children waxay deeqdan oo raashin ahayd u qaybinaysay qaar ka mid ah caruurta nafaqo-darridu ay hayso iyo agoomaha deegaanka ku nool, waana markii ugu horreysay oo ay kooxo hubeysan soo weeraraan gargaar qaybintan oo bishiiba dhowr jeer deegaanka ay ka bixiso hay’adda,” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Xuseen Weheliye.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaan weli wax war ah kasoo saarin dilka labadan ruux ee isku qoyska ah iyo ruuxa kale ee ay dhaawaceen maanta kooxahan hubeysan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka deegaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya