Duqa Muqdisho: Waan ka qaybgalayaan daminta colaada Shabeellada Hoose

Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa sheegay maanta inuu maamulkiisu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro dagaallo beeleedyadii dhawaan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Muun-gaab oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa soo dhaweeyay guddiga dowladdu ay u saartay xallinta khilaafaadyadii dhaliyay dagaalladaas oo haatan gobolkaas ku sugan, kuwaasoo uu hoggaamnayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka si xal looga gaaro colaaddaas.

“Maamul ahaan waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dadaallada xalka loogu raadinayo ummadda Soomaaliyeed, inaan halkan gogol nabadeed ugu fidinno ayaana diyaar u nahay beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya gobolka Shabeellada Hoose, annagana wixii karaankeena gacan ayaa ka geysanaynaa sidii loo soo afjari lahaa colaaddaas,” ayuu yiri Muun-gaab.

Duqa Muqdisho ayaa intaas ku daray in deegaannada Shabeellada Hoose ay ka socdeen howl-gallada lagu xoreynayo, haatana ay meel wanaagsan marayeen, balse aanay habooneyn in deegaannadii laga saaray Al-shabaab in dagaallo beeleedyo ka dhacaan.

Mudane Muun-gaab ayaa hadalkiisa kusoo beegay, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay guddi u dirtay gobolka Shabeellada Hoose, si xal looga gaaro colaaddii maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa gobolkaas.

Xaalada degmada Marka oo ahayd halkii ay labada malleeshiyo ku dagaalamayeen gacan ku haynteeda ayaa hadda daggan, iyadoo ay gacanta ku hayso maleeshiyadii gacanta ku dhigtay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia oo horkacaya wafdiga dowladda ka socda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay dadaal weyn u galayaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen khilaafka u dhexeeya labada beeleed ee ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya