Dowladda oo sheegtay in Dib-u-eegista Dastuurka ay ku dhacayso si Hufan

Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa maanta ka hadashay horumarka laga sameeyay nidaamka dib loogu eegayo dastuurka; kaasoo ay wasaaradda garsoorka ka tahay hormuud, isla makraana si furfuran, hufan oo isla xisaabtan leh uu ku dhici doonto dib u eegista dastuurka oo qayb ka ah barnaamijka tiigsiga 2016-ka.

29-kii May ayay golaha wasiirradu ansixiyeen guddiga madax-bannaan ee dib u eegista dastuurka oo ka kooban shan qof oo sumcad weyn ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed. Baarlamaanka ayaa dhawaan ka doodi doona guddigan si ay cod ugu qaadaan.

Wasiirka garsoorka iyo dastuurka, Faarax Sh. C/qaadir oo ka hadlayay arrinkan ayaa yiri: “Bacdamaa sannadka 2014-ka uu yahay sannadkii waxqabadka, taas awgeed waxaan wadaa qorshihii guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka ay ku howlgali lahaayeen si ay u gudo-galaan howlahooda muhiimka ah. Qorshahana waxaa ka mid ah; sidii guddiga loogu heli lahaa xafiis, inay helaan dhammaaan qoraalladii hore oo dhan oo ka saacidaya howsha loo igmaday, iyadoo la filayo in toddobaadka labaad ee bisha July ay shirar ay la yeeshaan golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, kaddibna ay xiriir la sameeyaan hay’adaha dastuuriga ah ee si ay macluumaad iyo talo uga helaan, markaas kaddibna waxay la tashiyo la sameyn doonaan maamullada dalka ka jira oo tallooyinkoodu muhiim yihiin. Qorshahaas golaha wasiirada ayaa ansixin doona, waxaana loo gudbin doono baarlamaanka ka hor inta aan la xirin 20-ka July. Ugu dambeynna guddiga madaxa-bannaan si rasmi ayaa loo caleemo saari doono guddigan.”

Faarax Sheekh C/qaadir oo ka hadlayay ujeeddada  qorshahan mar kale yiri: “Ujeeddada ayaa ah in si hab furfuran ah oo hufan oo isla xisaabtan ah loo fuliyo barnaamijka si shacabka loola wadaago qorshaha, isla markaana loo abuuro marxalad kalsooni lagu qabi karo sharciyada dib u eegista dastuurka, aragtiyada kala duwan oo laga faa’iideysto, isla markaana xiriirka iyo wada-shaqeyntu noqoto mid heer sare ah. Dowladda federaalka Somalia waxay kaloo qorsheyneysaa in barnaamijkan lagala tashan doono beesha caalamka si loo dhiso wadashaqyn buuxda.”

Wasiirka garsoorka ayaa hadalkiisa ku daray in bisha Ogoosto la kordhin doono tayada iyo waxqabadka oo loo sameyn lahaa wadatashiga dadweynaha si dadka ay u noqdaan kuwa fahamsan oo haysta macluumaad ku filan. Dib u eegista dastuurka waa mid u baahan in dhammaan shacabka deegaannada laga wadda qayb-galiyo si ay uga hadlaan muhiimadda iyo caqabadaha jira. Si shacabka oo dhan looga qayb-galiyo qorshahana waxaa muhiim ah in barnaamij baaxad leh loo diyaariyo si dhammaan dadka oo dhan loo dhageysto fikirkooda, taladooda iyo farriimahooda.

“Dowladdu waxay aaminsan tahay in qorshaha dib u eegista dastuurka wuxuu noqon doonaa mid ay Soomaalidu hoggaaminayso, si ay u lahaato qorshaha oo muhiim u ah sharciyadda iyo guulaha dib u eegista dastuurka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in la hirgeliyo tiigsiga 2016-ka oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka, dhaqan-gelinta federaalka iyo hirgelinta dimuqraadiyeynta dalka, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin marka la gaaro sannadka 2016-ka,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Isagoo wasiirku uu intaas ku daray in dib u eegista dastuurka uu aasaaska cad u yahay tiigsiga 2016-ka. Marka la dhameystiro dib eegista dastuurka, waxaa jiri doono cod loo qaado shacabka (Referendum). Ka hor codeynta waxaa jiri doono barnaamijyo is-xig-xiga oo ay ka mid yihiin wacyi-gelin, la tashiyo shacabka lala sameynayo, waxbarasho, doodo iyo is-faham keeni kara in shacabku ay fahmaan dastuurkooda.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in dowladda ay ka go’an tahay in nidaamkan uu noqdo mid furfuran, hufan oo si isla xisaabtan ah loo fulinayo. Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Soomaalidu ay qaybtooda ka qaataan qorshahan muhiimka ah, si qorshahu u noqdo mid shacabku iska leeyahay oo guuleysta.

“Waxaana ugu baaqayaa dhammaan shacabka in la taageero qorshahan dib u eegista dastuurka oo muhiim weyn noo leh, naguna horseedaya inaan dalka ka qabano doorsahooyin sannadka 2016-ka,” ayuu wasiirku hadalkiisa kusoo af-jaray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya