Iska-horimaad shacab iyo Ciidamada Dowladda ku Dhex-maray Mahadaay

Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo ay ku jirto haweeney iyo laba askari ayaa ku dhaawacmay iska-horimaad degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe ku dhexmaray maanta ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo dad shacab ah.

Iska-horimaadkan ayaa yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda eek u sugan degmadaas ay damceen inay lacag ka qaadaan goob uu dhisme ka socday, balse dadkii wax dhisanayay ayaa diiday inay lacag dhiibaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii uu iskahorimaadku billowday ay dadweyne goobta soo gaaray la safteen dadkii guriga dhisanayay, taasoo keentay inuu iska-horimaad ka dhaco halkaas.

“Saddex qof oo shacab ah oo kala ah laba rag ah iyo haweeney iyo laba askari ayaa ku dhaawamcay iska-horimaadka, inkastoo ugu dambeyn ay ciidamadu halkaas ka tageen,” ayuu yiri ruux goobjoog u ahaa iska-horimaadka Mahadaay ka dhacay.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay isticmaalayeen qoryaha fudud, halka ay dadka la dagaalamayay iyaguna ay isticmaalayeen baangado, toorreeyo iyo walxo kale, inkastoo aysan jirin wax dhimasho ah oo goobta ka dhacay.

Maamulka degmada Mahadaay ayaan weli ka hadlin iska-horimaadkii u dhexeeyay ciidan ka tirsan kuwa dowladda ee degmadaas ku sugan iyo dadweynaha ku nool degmadaas qaar ka mid ah.

Degmada Mahadaay ayaa ka mid ah degmooyinkii ay ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay kala wareegeen Al-shabaab, inkastoo gudaha degmadaas ay dhowr jeer dagaallo ku dhexmareen dhinacyadan.

Xaaladda ayaa daggan, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamadii iska-horimaadka uu dhexmaray dadkii shacabka ahaa ay goobta ka tageen, iyadoo dhismihii uu iskahorimaadku ka dhasahay isagana la joojiyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka qaada guryaha la dhisayo iyo gaadiidka lacago, taasoo uusan weli sheegin waxay tahay lacagtaas la qaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya