Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Wafdi ka socda wasaaradda arrimaha gudaha Somalia oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka oo ay ka wada hadlleen arrimo dhowr ah.
Xubnaha wafdiga maanta gaaray Beledweyne waxaa hogaaminayay agaasimaha xiriirka gobollada wasaarrada arrimaha gudaha C/fitaax Xassan Cali, waxaana sidoo kale ka mid ahaa la taliyaha wasaarrada oo lagu magacaabo David Wombal, iyaga oo kala hadllay maamulka gobolka arrimo la xiriira dhismaha maamul ku dhisan golle deegaan iyo xaalada bani’aadanimo ee ka jirta gobolka.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo kulanka kadib warbaahinta la hadllay ayaa sheegay ujeedada socdaalka wafdiga aheyd u kuur-galida sidda ay bulshada gobollka ugu diyaar-garoobeen dhismaha golle deegaan oo marka danbe soo dooran doonta maamul uu yeesho gobolka Hiiraan.
“Socdaalka wafdiga qiimeyn ayeey ku saleysneyd, waxaa ay eegayeen sida bulshada diyaar ugu tahay in ay is doortaan, maamulkooda iyaga dhistaan, iyo sidda wasaarrada gacan uga geysan laheyd arrintaas,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Agaasimaha xiriirka gobollada wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa sheegay in ay mudadii koobneyd oo ay joogeen magaalada kormeereen qeybo kala duwan, gaar ahaan xarunta maamulka gobolka iyo degmada, isaga oo ku amaanay maamulka gobolkaHiiraan howlaha baaxda leh oo ay bulshada u hayaan.
“Annaga waxaan daba joognaa siddii markii horeba qorshuhu ahaa inay doorasho qabsoonto, dadka reer Hiiraan waxaa ka muuqda biseyl arrintaa ku saabsan, wasaarrada wixii taageero ah wey siin doontaa bulshada, si qorshahaas uu u hirgalo,’’ ayuu yiri C/fitaax Xassan Cali.
Dhinaca kale, guddoomiyaha maamulka gobolka C/fitaax Xassan Afrax ayaa marka laga soo tago arrimaha la xiriira doorashada iyo dhismaha gollaha deegaannka, waxaa uu sheegay in wasaarrada arrimaha gudaha gacan ka geysan doonto dib u soo nooleynta adeegyadii bulshada.
“Wasaarrada sidoo kale waxaa ay ka qeyb-qaadan doontaa dib u soo nooleynta adeegyadii bulshada, sidda dhismaha goobaha danta guud, arrimihii aynu ka wada hadalnay ayeey qeyb ka ahaayeen,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.
Ma’aha markii ugu horeysay oo xubno ka socda wasaarrada arrimaha gudaha kala hadllaan maamulka gobolka siddii degmooyinka looga hergalin lahaa golle deegaan oo marka danbe saldhig u noqda maamul ay bulshada dhistaan, hasse ahaatee waxaa muuqata in hadda arrintaa la dar-dar-galinayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya