
Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa saaka furay shirkii saddexaad ee Higsiga Cusub ( New Deal) kaasoo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, qaar ka mid ah safiirrada beesha caalamka, wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay.
Mudane C/weli oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirkan ayaa ku dheeraaday Qorshaha sannadka 2014-ka ee Somalia iyo dadaalka ay muujisay xukuumadda. Isagoo intaas ku daray in dowladdu ay samaynayso dadaal wax laga qabanayo tacadiyada haweenka iyo dadka laga tira badan yahay si loo gaaro Soomaaliya oo nabad ah.
“Shaki kuma jiro inaan u baahannahay in caalamku gacan naga siiyo sidaan uga soo kaban lahayn colaadaha dalka ragaadiyay, aana u hiigsan lahayn horumar, bulshadeennana u daryeeli lahayn. Sidaas daraadeed, waxaan doonaynaa inaan sameyno qorshayaal cad-cad oo arrimahaas lagu wajahayo si taageeradoodu u noqoto mid wax tar leh,” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri: “Maanta waxaan maraynaa marxalad shacabka iyo dowladdu ay diyaar yihiin in dalka dib loo dhiso, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan fursado shaqo, waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adeegyada bulshada. Aad iyo aad baana uga mahadcelineynaa Midowga Yurub dadaalkooda oo rajo weyn nagu abuuray.”
Ugu dambayntii, aad ayaay u soo dhaweyneynaa qorshaha dowladda dhamaan deeq-bixiyeyaashii kasoo qeyb-galay munaasabadda. Waxaana si rasmi ah loo gudo-galay qaybtii saddexaad ee fulinta qorshahan “New Deal” ee ku aaddan in daraasada xaaladda dalka iyo colaadaha oo ay ka wada-shaqaynayaan dowladda Soomaaliya, ururada bulshada rayidka ah iyo dalalka deeqaha bixiya.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya