Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Shir looga hadlayay sidii qorshe ay ku shaqeyso loogu sameyn lahaa wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Shirkaas waxaa ka soo qayb-galay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko.
Wasiirka beeraha Soomaaliya, Cabdi Axmed Baafo ayaa HOL u sheegay in shirkan uu yahay mid lagu doonayo in wasaaradda beeraha loogu dajiyo qorshe cad oo ay weligeed ku shaqeyso.
“Shirkan wuxuu daba-jogaa shir ka horreeyay oo lagu qabtay Soomaaliya kaasoo laga qaybgeliyay beeraleyda iyo ganacsatada Soomaaliya, fikradahoodiina waan soo ururinnay. Shirkanna waa midkii aan hay’adihii caalamiga ahaa ee kaalmeyn jiray Somalia sida FAO ay fikirkooda ugu darsadaan lahaayeen,” ayuu yiri Cabdi Baafo oo la hadlayay HOL.
Baafo oo sii hadlayay ayaa yiri: “Shir kale oo ka dhici doona Xamar ayaa lagu soo afjari doonaan shirarkaan wasaaradda loogu dajinayo qorshe cad oo ay ku shaqeyso, waxaana shirkaas lagu casuumayaa dad badan oo gudaha iyo dibadda isaga imaanaya . Waxaana kasoo bixi doona qorshihii ay wasaaraddu ku shaqeyn lahayd.”
Xubnihii ka qaybgalay shirka ayaa waxay falan-qeeyeen; laba qodob oo doodda saldhig u ahaa, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, caqabadaha hortaagan wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya iyo sidii loo kobcin lahaa wax-soo-saarka dalka.
Waxaa kaloo si aad ah looga dooday lana soo bandhigay baahida weyn ee loo qabo in beeraleyda Soomaaliyed ay helaan waxyaabihii ay u baahnaayeen si ay sare ugu qaadaan wax-soo-saarka beeraha dalka.
“Beeraleyda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay helaan aqoonta casriga ah ee caalamka ugu dambeysay si ay sare ugu qaadaan wax-soo-saarkooda dhianca beeraha,” ayuu yiri Xuseen Macow oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer cilmiga beeraha oo ka hadlay shirka.
Wasaaradda beeraha Soomaaliya ayaa noqonaysa wasaaraddii ugu horreysay oo ka tirsan wasaaradaha xukuumadda Soomaaliay oo dejisata qorshe ay ku shaqeyayso, kaasoo uu tixraaci doono wasiir walba oo wasaaraddan loo magacaabo.
Dhawaan ayay ahayd markii dhismihii wasaaradda beeraha ay ku lahayd Muqdisho laga saaro dad shacab ah oo deggenaa muddo 23-sano ah, iyadoo xukuumaddu ay ballan-qaadday in dayactir lagu sameynayo dhismaha wasaaradda ayna ku shaqeyn doono wasaaradda beeraha.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya