Faahfaahin ku saabsan Qarax Maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qarax miino oo maanta ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, qaraxaasoo la sheegay in lagu xiray gaari uu lahaa mas'uul ka tirsan wasaaradda gaadiidka xukuumadda Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Odawaa.

Guddoomiyah degmada Howlwadaag, Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaariga lagu soo xiray, uuna ku dhintay darawalkii gaariga waday, saddex qof oo mid uu gaariga saarnaa iyo laba ganacsatana ay ku dhaawacmeen.

“Qaraxu wuxuu ka dhacay suuqa daawada ee Bakaaraha, wuxuu ahaa miino lagu soo xiray gaariga mas'uulka dowladda ka tirsan, darawalkii gaariga wuu ku dhintay, laba ganacsade oo ka ag-dhawaa iyo wiil gaariga saarnaa oo lagu magacaabo Shaafici Nuur Maxamed ayaa isna ku dhaawacmay, dhammaantoodna dhaawacyadoodu waa sahlan yihiin," ayuu Axmed Nuur u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale, goobjooge ayaa isna warbaahinta u sheegay inuu arkay dhaawacyada saddex qof oo rayid ah, qaraxuna uu ahaa mid xooggan, iyadoo ay goobta gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo baaritaanno ka wada goobta uu qaraxaas ka dhacay.

“Ma jirto cid sheegatay inay qaraxa ka dambeyso, balse baaritaanno ayaa socda, waxaana ku tuhmaynaa inuu yahay mid ay ka dambeyso Al-shabaab," ayuu guddoomiyaha Howl-wadaag ku daray hadalkiisa.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, iyadoo qaraxan uu imaanayo xilli dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen inay billlaabi baaritaanno ammaanka guud  ee Muqdisho lagu adkeynayo.

Qaraxan ayaa dhacay xilli ay ganacsatdu ka baxayeen suuqa Bakaaraha, waxaana dadkii ku sugnaa goobta uu geliyay qaraxan argagax, iyadoo goobjoogayaal ku sugnaa ay xuseen inay dadweynihii halkaas marayay ay is-jiireen markii uu qaraxu dhacay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya