Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiintii maamulka Khaatumo ayaa gebi ahaan ka baxay magaalada Taleex, kaddib markii ciidamada Somaliland ay kusoo dhawaadeen degmadaas.
Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay u bexeen dhinaca tuulada Xallin oo 40-km dhanka bari degmada Taleex sida uu u sheegay HOL u sheegay wariye Cismaan Cabdinuur Xaashi oo oo ku sugan degmada Taleex.
Taleex ayaa waxaa dhawaanahan ka socday shir maamulka Khaatumo ay ku dooranayeen hoggaanka maamulkooda, kaasoo ay ka qayb-galayeen dad badan oo isugu jira; ergooyin iyo waxgarad, dhammaan way ka baxeen halkaas.
Shacabka Taleex ayaa eegaya ciidamada la sheegay inay kusoo wajahan yhiin iyadoo dadka qaarkii ay ka baxayaan inkasatoo sida Cismaan sheegayo aanu muuqan qax badan oo ay dadweynuhu sameynayaan, waxase dhici karta ayuu yiri inuu qax weyn imaan karo.
Lama caddeyn karo ciidamada Somaliland inay tegi doonaan magaalada Taleex iyo inay ay ku sugnaan doonan goobaha ay haatan ku sugan oo 22-KM galbeed kaga aaddan Taleex.
Dadweynaha ku nool Taleex ayaa is-weydiinaya difaacii iyo hanjabaadii ay xubnihii abaabulayay shirka maamulka Khaatumo ay ku sheegayeen inay ka hortegi doonaan cid walba oo soo hujuunta shirkooda iyo degmada Taleex.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Onilne
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool