Xaruntii Guriga Gobolka J/Hoose oo Maanta Xarigga laga Jaray (SAWIRRO)


Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Munaasabad xariga looga jarayay gurigii hore ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, iyadoo munaasabaddan ay kasoo qayb-galeen madaxda ugu sarreysa ee maamulka KMG ah ee Jubba.

Xaruntii hore ee gobolka ee loo yaqaan K2 ayaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray, iyadoo wixii hada ka danbeeyo uu ku shaqeyn doono maamulka gobolka J/hoose.

Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose, C/rashiid Gooni oo ugu horreyn munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in xaruntani ay dayacnayd mudo aad u fog, hadana lagu sameeyay dayactir ballaaran, wuxuuna dadaallada dib u dhiska uga mahadceliyay maamulka Jubba iyo bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo.

Gaba-gabadii xafladda waxaa ka hadlay madaxweeyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubba mudane C/qaadir lugadheere, wuxuuna sheegay in maamulkooda ay ka go’antahay dib u dhiska xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

Mas'uulkan ayaa ku ammaanay dadka ku nool degmada Kismaayo sida ay ula shaqeeyaan maamulka, wuxuuna ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolka in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka deegaanada Jubbaland.

Xarunta guriga gobolka ee degmada Kismaayo ee maanta xariga laga jaray ayaa waxa hore u daganaa ciidamada amniga maamulka Jubba, dhawaan ayaa xaruntan lagu wareejiyay maamulka gobolka Jubbada hoose, kaasoo dayactir ku sameeyay.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya