JEN. MUUN-GAAB: Shacabka Muqdisho waa inay la dagaalamaan Al-shabaab

Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa shacabka ku nool Muqdisho ka dalbaday inay la dagaalamaan  Al-shabaab oo uu ku sheegay inay caqabad ku tahay nabadda caasimadda Soomaaliya.

Muun-gaab ayaa ka dalbday dadweynaha in la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka gobolka si loo xaqiijiyo xasilloonida Muqdisho . Isagoo hadalkan sheegay kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Turkiga.

“Al-shabaab waxay cadow ku yihiin amniga magaaladan iyo noloshiinna, sidaa daraadeed waxaan la idinka doonayaa haddaad shacabka Muqdisho tihiin inaad ka qaybqaadataan nabadgalyada Muqdisho,” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu ha’yadaha ammaanka gobolka Banaadir ka dalbaday inay ammaanka caasimadda xoojiyaan, si looga nabadgalyo weerarrada ay kooxda Al-shabaab soo qaadayso shacabka iyo shaqaalaha samafalka.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan sheegtay inay Muqdisho ka geysanayso falal qaraxyo ah oo ka xooggan kuwii hore, kuwaasoo ay sheegtay inay si gaar ah ula beegsan doonto xarumaha dowladda iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho.

Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa ka warbixiy ballan-qaadyo uu ka heleen Turkiga oo ku aaddan tababarro loo sameynayo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo ay bixin doonto dowladaha hoose ee Turkiga, gaar ahaan aqoonyahanno ka socoto maamulka magaalada Istanbuul.

Ugu dambeyn duqa Muqdisho ayaa tibaaxay in uu lasoo kulmay madaxda hay’adda TIKA, kuwaasoo uu sheegay inay ballan-qaadeen inay sii xoojin doonaan howlaha ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya