
Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin gobolka Shabeellada Hoose oo ay dhawaanahan dagaallo beeleedyo ka dhacayeen ayaa xusay in xukuumadda Somalia ay ka go’an tahay in heshiis dhex-dhigto malleeshiyooyinkii dagaallamay.
Goodax iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka difaaca Somalia, xildhibaano, odayaal-dhaqameedyo labada dhinac ah ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay waxgarad kasoo jeeda gobolka degmada Marka.
“Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an inay heshiis dhab ah ay dhex-dhigto beelaha dagaallamay, waxaan kulammo gaar-gaar ah la yeelannay odayaal iyo waxgarad ka tirsan beelihii dagaallamay, meel wanaagsan ayay howshaas noo mareysaa,”ayuu yiri wasiirku yiri.
Wasiirka ayaa xusay in qorshahu uu yahay sidii ay u kala qaadi lahaayeen malleeshiyadii dagaalku dhexmaray, isla markaana nolosha magaalada ay caadi ugu soo noqon lahayd.
“Annaga waxaan u nimid magaalada Marka sidii noloshu ay caadi ugu soo laaban lahayd, waxaan kaloo u nimid inaan dhexdhexaadinno beelihii dagaalladu ay ku dhexmareen gobolka, waxaan garowsannahay in waxaan wax laga qaban karo, waxaana ku dadaalaynaa inay billaabato shaqadii nabadeynta ee aan halkaan u nimid,” ayuu hadalkiisa raaciyay Goodax.
Dhanka kale, wafdiga ayaa booqday manta deegaannadii ay dagaalladu ka dhacayeen toddobaadyadii lasoo dhaafay si ay u kala qaadaan ciidamadii dagaalamay oo weli ku sugan goobahaas, waxaana la geyn doono ciidammo isugu jira booliis, nabad-sugid iyo AMISOM.
Dagaalladii ka dhacay deegaannada ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 25-qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaallamayay iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu dul-dagaaamay, iyadoo kontomeeyo kalena ay ku dhaawacmeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya