
Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa soo dhaweeyay tallaabo dowladdu ay ugu magacowday guddoomiyeyaal deegaannadii Al-shabaab laga qabsaday. Kuwaasoo ay dhawaan si rasmi ah u magacowday wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyeyaashan ayaa kala wareegaya xukunka ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM, tasoo ergaygu uu ku sheegay inay tahay arrin qayb ka ah dadaallada lagu xasilinayo dalka.
Danjire Anaadiif ayaa xusay in isagoo taageero ka heysta ciidamada AMISOM la geeyay gudoomiyeyaasha cusub degmooyinka loo magacaabay, taasoo bidhaaminaysa horumar la sameeyay iyo kasoo kabashada gacan ku heyntii Al-shabaab qaybo ka mid ah deegaannadii ay gacanta ku hayeen.
"AMISOM waxay horay u sii waday fulinta sharcigeeda ay ku taageerayso dadka iyo dowladda Soomaaliya, si ay u abuurto jawi ku habboon tir-tiridda falalka ay waddo Al-shabaab lana ballaariyo hanashada dhamaanba dhulka ay kooxdan ka taliso, si looga hirgeliyo uu xukunka wanaagsan, xuquuqul bani’aadamka iyo sidii dhidibbada loogu aasi lahaa sharciga," ayuu yiri danjire Anaadiif.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dhamaan dadka nabada jecel inay sameeyaan waajibkooda madaniga ah, siiyaanna taageerada ugu badan maamullada cusub iskaashina la sameeyaan dowladda federaalka Somalia, laamaheeda ammaanka, milatariga, AMISOM iyo ciidamada booliiska AMISOM si loosoo celiyo nabaddii, xasilloonidii iyo awoodda sharciga, markoosoo dalku uu si deg-deg ah u guda-geli doono horumar iyo sare u kaca bulshada.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka, Cali Abtidoon Xalane ayaa isna sheegay in magacaabistani ay tusaale u tahay in dowladdu ay ku guuleysatay gacan ku dhigista mustaqbalka dalka.
“Iyadoo taageero laga helayo AMISOM waxaa lagu guuleystay in guddoomiyeyaasha la geeyay degmooyinkii loo magacaabay, waana tusaale caddeyn u ah in dalku uu kasoo kabsanayo dhibaatadii uu soo maray lagana adkaaday Al-shabaab,” ayuu yiri Abtidoon, oo intaas ku daray in la tababaray gudoomiyeyaasha iyo taliyeyaasha xabsiyada, nabad-sugida iyo booliiska oo horkici doono maamulladan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya