Ciidanka Somaliland oo ka hadlay Tagitaankooda degmada Taleex ee G/Sool

Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Ciidanka Somaliland ayaa saaka tagay degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasoo uu shir uga socday maamulka Khaatumo, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay halkaas u tageen sidii ay shirka u joojin lahaayeen.

Afhayeenka ciidanka Col Cismaan  Cali ayaa Idaacadda Radio Hargeysa u sheegay inay hawlo shaqo u tageen magaaladda, isla markaana odayaasha degmadda ay kulamo la yeelanayeen

“Guutadda ciidanka ee maanta gaadhay Taleex waa ciidankii awalba wareegi jiray waxaanay u baxeen hawlo shaqo oo iska caadi, waxaana meel labaatan kiillo mitir u jirta magaaladda nagu soo dhoweeyey odayaasha magaaladda taas oo kulama nabadda lagu xoojinayo kula yeelanay”ayuu yidhi gaashaanle dhexe Cismaan oo sheegay inuu joogo magaaladda Taleex oo shir doceedyo la yeelanayaan odayaasha magaaladda.

Afhayeenka mar la waydiiyey shirkii magaaladda ka socday iyo xogta ay ka hayaan waxa uu sheegay in aanay jirin wax shir ah oo magaaladda ka socda, waxaanu xusay inay ciidanku hadda fadhiisamo ka dhigteen labadda kaantarool ee dhinaca Puntland xigta iyo dhinacan Soke.

Afhayeenka ayaa sheegay in aanay wax dhibaato ahi ka dhicin, isla markaana si nabadgalyo leh usoo galeen magaaladda, kuwaas oo shirar la leh waxgaradka deegaanka, haseyeeshee dhinaca khaatumo ilaa hadda kama hadal ciidamaddan soo gallay Taleex, inkastoo la sheegayo inay iskaga baxeen magaaladda.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in aanay ogolaan doonin shir ka hor imanaya qadiyadda Somaliland oo lagu qabto wadanka gudihiisa,isla markaana aanay cidnaba gorgor kala gali doonaan sugidda xuduudda Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland