Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Liyu Police ee deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ku weeraray deegaanka Aatto oo ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya kana tirsan gobolka Bakool.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in labada dhinac uu dhexmaray dagaal culus oo muddo socday, kaasoo dhaliyay khasaare xooggan oo labada dhinac gaaray balse si dhab looma oga khasaaraha inta uu le’eg yahay.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen maydadka lix ka mid ah labadii dhinac ee dagaalamay, sidoo kalena ay arkeen dhaawacyo laga keenay saldhigyada lagu dagaalamay.
Xoogaggan hubeysan ayaa la sheegay inay beegsadeen saldhgiyo ay ciidamadan ku lahaayeen deegaankaas oo toddobaadyo ka hor ay dagaallo khasaare fara badan geystay ay ku dhexmareen Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya.
Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay kooxahaas ka tirsan yihiin, ayaa xubno ka mid ah kuwa dowladda ee gobolka Bakool waxay sheegeen inay kooxahaas ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Rasaastii ay dhinacyada dagaalamay is-weydaarsanayeen ayaa la sheegay inay ka soo gaartay waxyeello dad reer miyi ah oo ku nool daafaha deegaanka Aatto oo ay dhawaanahan ka dhacayeen dagaallo khasaarooyin aad u badan geystay.
Ciidamada Itoobiya, kuwa Liyu Police iyo kuwa dowladda Somalia ayaa saldhigyo ka sameystay deegaankaas tan iyo markii ay dagaallada culus ka dhaceen, iyadoo tani ay qayb ka tahay weerarrada gaadmada ah ee lala beegsanayo ciidamadan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya